Dhalinyarada Gobolka Togdheer Oo Si Weyn Usoo Dhaweysay Gudoomiyaha Cusub Ee Garabka Dhalinyarada Xisbiga Kulmiye Ee Togdheer.

0
328

Dhalinyarada Gobolka Togdheer Oo Si Weyn Usoo Dhaweysay Gudoomiyaha Cusub Ee Garabka Dhalinyarada Xisbiga Kulmiye Ee Togdheer.

Burco(Warsugannews)Dhalinyarada Gobolka togdheer ayaa si weyn usoo dhaweysay gudoomiyaha cusub ee Garabka dhalinyarada xisbiga Kulmiye ee Gobolka Togdheer Mud: Abokor Carab ileeye Oo shalay Xilkaasi Umagacaabay Gudoomiye Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Waxaa Ilaa shalay galab iyo xalay iska soo daba dhacaayay hambalyooyinka Ay nasoo gaadhsiinayeen Dhalinyarada Gobolka Togdheer Muxaafid iyo mucaaradba, Sidoo kalena Buuxdhaafiyay Baraha Ay Bulshadu Ku Kulanto oo ay udirayaan Godoomiyaha Cusub ee Garabka dhalinyarada Xisibiga Kulmiye ee gobolka Togdheer Abokor Carab Ileeye.

Abokor Carab Ileeye Oo kamida dhalinyarada Hormuudka u ah Gobolka Togdheer Ayaa ah Nin Aqoon durugsan uleh Habka Maamulka Iyo wada shaqaynta Dhalinyarada Isagoona tobonkii sano ee udanbeeyay Garab siinaayay Ururada Dhalinyarada Ee Gobolka Togdheer, waxaanay bulshada Gobolka Togdheer siweyn usoo dhaweeyeen Xilkaasi Loo Igmaday oo ay ku tilmaameen Inuu Yahay Nin Kasoo Bixi Kara, Iskuna Wadaya Danaha Dhalinyarada Gobolka Togdheer Oo Dhan.

Abokor Carab Ileeye Ayaa Ayaa Aabihii Mujaahi Carab Ileeye(AHUN) Waxa uu Ahaa Mujaahid Ka Caana Geyiga Somaliland Oo kamid ahaa Mujaahidiintii Horkacaayay Dibu Xoreyntii Dalka, Laguna Xasuusto Weedho Badan Oo Dhaxal Gala, Waxaana La filayaa In Wiilkiisu Uu Bedeli Doono Laguna Xasuusan Doono Xiliga Uu Fagaarayaasha Siyaasado Soo Istaago.