Dhalinyarada Ku dhaqan Caasimada Hargeysa oo Door shariif ah ka qaatay gargaarka loogu gurmanayo Dadku Abaartu Saamaysay isla markaana $10.490 iyo 5000slsh

0
306

Dhalinyarada Ku dhaqan Caasimada Hargeysa oo Door shariif ah ka qaatay gargaarka loogu gurmanayo Dadku Abaartu Saamaysay isla markaana $10.490 iyo 5000slsh “Tobon kun Afar Boqol iyo Sagaashan Doolar iyo Shan Kun oo Sl Sh” ku wareejiyey Guddida Heer Qaran ee Taakulaynta Abaaraha

Hargeysa(Warsugannews)Kulankan oo ka qabsoomay xarunta rugta ganacsiga ee Caasimada Hargeysa ayey ujeedadiisu ahayd sidii qaadhaan lacageed oo dhan$10.490 iyo 5000slsh. (toban kun afar boqol iyo sagaashan dollar iyo shan kun oo shilling ay dhalinyaro firfircoon oo dareen dalnimo iyo damqasho umadnimo ku jirto ugu wareejin lahayeen guddida heer qaran ee taakulaynta abaaraha

Haddaba, warbixinta kulankan oo markii uu soo idlaaday nuqul kamida nasoo gaadhsiiyey Xoghayaha guud ee Golaha Wasiirada JSL ahna Guddida heer qaran ee taakulaynta abaaraha Mud. Sharmaake Axmed Muxumed Geelle ayaa u dhignayd sidan:

waxay ahayd maanta kaidb markii Xubno aad u firfircoon oo ka mida dhalinyarada ku dhaqan magaalada Hargaysa ay qayb wayn ka qaateen gurmadka iyo qaadhaan ururinta loogu tala galay abaaraha baahsan ee dalka ka jira, dhalintan oo ahayd kuwo iskood isku abaabulay ayaa lacag kasoo ururiyey dhalinyarada ku nool magaalada Hargaysa si ay u muujiyaan cududa iyo caqliga dhalinyarad dalka isla markaana ay qaybtooda uga qaataan taakulaynta dadka ay abaaruhu saameeyeen,

Dhalinyartani oo isugu jira rag iyo dumar ayaa howsha qaadhaan ururinta in mudo ahba waday waxaanay munaasabad bilan ku qabteen xarunta hotelka Maansoor 26.03.2016 halkaas oo ay ku ururiyeen deeq tiro badan isla markaana ay abuureen dareen umadnimo oo ku dhisan isku naxariisasho iyo wax wada qaybsi waxaana xusid iyo amaan mudan in Mulkiilaha Hotelka Maansoor uu habeenkaas qaadhaan ururinta lacag la’aan uga dhigay dhalinyarada

Hadddaba, dhalinyarada oo maanta soo wakiishay xubno ay kamid yihin Sahra Kiin, Saddam Carab, Xamse Cumar-ku-joog, Dr Farax, Xamda Maxamed Xuseen yo Hoodo Ayaan Suldaan Faarax ayey gudida abaaraha ee heer qaran soo gaadhsiiyeen lacag qadar keedu dhan yahay $10.400 iyo 5000 slsh. (toban kun afar boqol oo dollar iyo shan kun oo shilling ) kuwaasi oo dhaliyaradii laga soo ururiyey ay ugu tala galeen taakulaynta abaaraha,

Saddaam Carab iyo Sahrka Kiin oo ku hadlayey afka dhalinyarada qaadhaanka hurtay ayaa dareenkooda cabiray iyo sida ay ugu faraxsan yihiin in ay muujiyaan cudduda dhalinyarada iyagoo xusay in awooda dhalinyaradu tahay mid dihin oo dareen badan sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen in arintani soo noolayn doonto dareenkii umadnimo iyo waajibkii qaranimo, waxaanay duco iyo amaan u jeediyeen dhalinyaradii tirada badnayd ee hantidooda ku aaminay una wakiishay in ay qaadhaankaas ku wareejiyeen guddida heer qaran ee taakulaynta abaaraha

Gudida abaaaraha ee heer qaran ayaa aad ugu mahadnaqay dhalinyaradan reer Hargaysa ee sida wayn ugu qayb qaatey hawsha qaadhaan ururinta ee abaaraha dalka ka jira, waxaanay xuseen qiimaha iscaawintu ku leedahay diinteena suuban iyagoo tilmaamay in arintan ay maanta sameeyeen dhalinyaradu rajo badan ku abuurtay.

Waxaa xusid iyo xasuus mudan in talaabadani dhalinyaradu qaadeen abuurtay jawi iscaawin iyo garabsi ah isla markaana ay iftiin ka shiday guud ahaanba gobolada dalka oo gobol walba dhankiisa u xusul duuban yahay sidii uu gargaar iyo garab uga gaysan lahaa abaartan dalka ku habsatay taasoo xoolo iyo xoog tirtay kumanaan kamida shacabka reer Somaliland sidoo kale arintan ayaa muujinaysa howlkarnimada iyo naxariista damqashada leh ee ka muuqata da yarta dalka,

Sharmake Axmed Muxumed Geelle
Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiirada ahna Xoghayaha Guddida heer Qaran ee Taakulaynta Abaaraha
1

2

DSC_0028