Dhalinyaro Soomaali ah oo maxkamad lagu soo taagy magaalada Gaarisa ee dalka Kenya

0
363

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Gaaraya ilaa sideed wiil ayaa ciidamada Booliska ee dalka Kenya waxa ay soo taageen maxkamad ku taala magaalaga Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya, Dhlinyaran ayaa ka kala yimid magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho.

January 05, 2017 – Dhalinyaro Soomaaliyeed oo Gaaraya ilaa sideed wiil ayaa ciidamada Booliska ee dalka Kenya waxa ay soo taageen maxkamad ku taala magaalaga Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee Kenya oo ah goob ay Soomaalida ku badantahay.

Dhalinyardan ayaa la sheegayaa in ay ka yimaadeen Magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa, waxaana lagu heystaa inay dalka Kenya ku soo galeen sharci la’aan, waxana dhalinyaradani ay sheegeen inay ku sii jeedeen Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya.

Qaar ka mid ah dhalinyaradan ayaa waxaa ka mid ah Carruur da’doodu ka yartay 18 Sano, waxaana baaritaankaasi amray taliyah Booliska ee magaalada Garissa, kaas oo taliyaha waaxda xaafadda Waabari ku amray inay soo qab qabtaan Dadka aan sharciga ku joogin magaalada Garissa.

Dhaliyaradan la xir xiray ee Maxkamadda la soo taagay ayaa kala aha,  Xasan khaliif, Jaamac Kayaas, Cabdi Siyaad, Mubaarak Cabdi, Cismaan Axmed C/Xakiin Nuur, Max’ed Cabdi iyo Nuur Yuusuf.

Qaar ka mid ah dhalinyrdaasi ayaa Maxkamadda waxa ay dalbatay in la geeyo Isbitaalka si loo baaro da’dooda rasmiga ah, si loogu fuliyo xukunno u qalma.