dhamaan Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Madaxtooyadu waxay tacsi u dirayaa Amb Cabdifataax Siciid Axmed oo Aabihi ku geeriyooday Ingiriiska Maanta

0
406

TACSI
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

1. Wasiirka Madaxtooyada JSL Md. Maxamuud Xaashi Cabdi
2. Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL, Md. Cali Axmed Cali
3. Wasiir Ku xigeenka Madaxtooyada JSL. Md, Axmed Xaashi Cabdi
4. Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada Md. Maxamed Muuse Abees
5. Wasiiru-dawlaha Nabadaynta iyo Horumarinta Arrimaha Gobollada Bari ee JSL, Md. C/rashiid Xuseen Cabdille (Carab)
6. Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL, Marwo Khadra X. Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh)
7. Af-hayeenka Madaxtooyada JSL, Md. Xuseen Aadan Cige (Deyr)
8. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Saxaafada. Md, Khadar Cali Gaas
9. La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Haweenka, Marwo. Amaal Xaaji Miisaan
10. Agaasimaha Protocol-ka Madaxtooyada JSL, Md. Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim (Saqadhi)
11. Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha Madaxtooyada JSL Md., Saacid Cabdi Ciise
12. Agaasimaha Maamulka Xisaabaadka Madaxtooyada JSL Md Maxamed Xirsi Xasan (Digaale)
13. Agaasimaha Arrimaha Bulshada Madaxtooyada JSL Md. Abshir Xasan Xaashi
14. Agaasimaha Gaadiidka Madaxtooyada JSL Md. Cabdi Cabdilaahi Aadan
15. Xoghayaha labaad ee Madaxweynaha Md. Mowliid Maxamed Xaashi
16. Xoghaynta Marwada Kowaad Marwo.Sabaax Cali Diiriye
17. Agaasimaha Arkiifiyada, Axmed Jaamac iyo Dhammaan shaqaalaha kala duwan ee Wasaaradda Madaxtooyada JSL, waxay tacsi u dirayaan Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Jabuuti Amb. Cabdifataax Siciid Axmed oo Aabihii Marxuum Siciid Axmed Guuleed uu ku geeriyooday wadanka Ingiriiska, maanta oo ay taariikhdu tahay 29/01/2017, Sidoo kale waxay tacsi taasi la mida u dirayaan Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.
Waxaanay dhamaan Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha Madaxtooyadu Marxuumka Alle uga baryayaan inuu u naxariisto ka waraabiyo suaasha qabrigana u fudaydiyo, intii uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.