Dhambaal Furan Oo Ku Socda Kooxaha Tirada Yar Ee Ka Soo Horjeeda Heshiiska Shirkada DPW Ku Maalgalinayso Dakada Barbara Run Iyo Raad Raac‏

0
396

Dhambaal Furan Oo Ku Socda Kooxaha Tirada Yar Ee Ka Soo Horjeeda Heshiiska Shirkada DPW Ku Maalgalinayso Dakada Barbara Run Iyo Raad Raac

Aqoonyahanka Iyo Indheer Garadka Arimaha Maalgashiga Aqoonta Gaara U Leh Mucaarid Iyo Muxaafidba Waxay Ka Marag Kacayaan In Heshiiska Maalgashi Ee Dhex Maray Xukuumada S/land Iyo Shirkada { D P W } Fure U Noqon Doonto Aqoonsi Caalami Ah Oo S/land Hesho .

Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle

Waxaa hubaala in Muwaadiniinta , Aqooyahanka iyo Indheer garadka Arimaha Siyaasada iyo Maalgashiga Aqoonta gaara u leh Mucaarid iyo Muxaafidba ay qalbi furan ku soo dhaweeyeen Heshiiska Taariikhiga ah ee dhex maray Xukuumada S/land iyo Shirkada [ D P W ] oo ah Shirkad wayn oo Maamusha Dakado badan oo dacalada Aduunka ku yaala , Iyadoo Aqoonyahanka iyo Indheer garadka arimaha Siyaasada iyo Maalgashiga u kuur gala Mucaarad iyo Muxuufidba ka marag kacayaan in Heshiiskani fure u noqon doono Aqoonsi Caalami ah oo S/land hesho , Dakada Barbera oo Waqti gaaban ku noqon doonta ta ugu Caansan uguna Qalabka Wanaagsan Dakadaha Wadamada Geeska Afrika ku yaala ee tartanku ka dhexeeyo, Shirkado badan oo ku soo dhiirada in ay Maalgashadaan khayraadka dihin ee S/land , Ganacsiga iyo Dhaqaalaha oo sare u kaca , Kumanyaal Dhalinyaro ah oo Shaqooyin ka hela , Iyadoo Aqoonyahanka iyo Indheer garadka arimaha Siyaasada iyo Maalgashiga Aqoonta gaara u leh Mucaarad iyo Muxaafidba ka marag kacayaan in horomarka baaxadaa lihi Dalka iyo Dadka ugu jiro heshiiskan dhex maray Xukuumada S/land iyo Shirkada [ D PW ] Balse Nimco waliba nusqaan lehe waxaa jira Kooxo Tiro yar oo mar kasta isku daya in ay hor joogsadaan talaabo kasta oo dhanka Horomarka loo qaado .

Ugu horaynse waxaa hambalyo iyo bogaadin mudan Madaxwaynaha S/land Axmed Maxamad Maxamuud Aadan [ Siiraanyo ] oo Siyaasadiisa Hogaamineed Hormood u noqotay Heshiiska Maalgashi ee Xukuumada S/land la gashay Shirkada [ D PW ] Sidoo kale waxaa Hambalyo iyo Bogaadin mudan Wasiirka Arimaha Dibada DR Sacad Cali Shire iyo Safiirka S/land u fadhiya Dalka Imaaraadka Carabta Aqoonyahan Baashe Cawil oo kaalin muuqata ku lahaa Bud dhiga Heshiiska Maalgashi ee Dakada Barbera , Sidoo kale waxaa hambalyo iyo bogaadin mudan waftiga Wasiirada ahaa ee wajigii labaad Heshiiska Maalgashi ee Dakada Berbera u tagay Magaalada Dubay ee Dalka Imaaraatka Carabta iyadoo heshiiskani Fure u noqon doono Aqoonsi iyo iskaashi buuxa oo aynu Beesha Caalamka kala yeelano dhanka Maalgashiga oo ah furaha hurumarka iyo shaqo abuurka .

Waxaase marag ma doona in ay jiraan Kooxo tiro yar oo mar kasta isku dayda in ay caqabado u dhigaan Talaabo kasta oo dhanka hurumarka loo qaado iyadoo Kooxdan Tirada yar ay magacyo kala duwan sitaan fikir siyaasiya oo mideeyaana aanu jirin waxay talaabo kasta oo dhinaca horomarka loo qaado ku soo weeraraan Shirqoolo iyo hadalo kulul oo bilaa tudhaala oo warbaahinta u mariyaan shirkadaha iskaashiga dhanka Maalgashiga ah ku samaynaya Dalka S/land sida Shirkada Imaaraadka Carabta laga leeyahay ee [ D P W ] Shirkadan oo balaadhin iyo dib u dhisba ku samaynaysa Dakada Barbara waxaana hubaala in ay Fure u noqon doonto , Aqoonsi Caalami ah oo S/land hesho, Dakada Barbera noqon doonta ta ugu Caansan uguna Qalabka Wanaagsan Dakadaha kale ee Wadamada Geeska Afrika ku yaala Tartankuna ka dhaxeeyo , Shaqooyin badan oo Dhalinyaradu ka heli doonto , Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Wadanka oo sare u kici doona , iyo Shirkado kale oo Wadanka ku soo dhiirada Mashaariic badana Wadanka S/land ka Maalgashan doona .

kooxdan Tirada yar ayaa hore caqabado ugu dhigay Shirkadihii baadhista Shidaalka ka waday Gobolada Bari ee S/land iyagoo soo abaabulay kooxo ku kacay falal amni darro oo shaki iyo cabsi ku abuuray Shirkadihii Shisheeye ee Baadhista Shidaalka u yimid S/land .

Anigoo bulsho waynta S/land ku guubaabinaya in ay ka foojignaadaan in laga horkeeno Horomarka Mustaqbalka Dalkooda iyadoo hadalada ka soo yeedhaya Kooxdan Tirada yar ee Caqabada ku ah Horomarka Dalka iyo Horomarka Dakaduba sidii looga bartay ay Mudo Bil ah ku hawlan yihiin in ay Dhalinyarada kiciyaan oo marin habaabiyaan si ay Mustaqbalkoodo uga xumaado iyadoo Kooxo Dhalinyaro ahi Maalmahan u danbeeyay ku dhawaaqeen Magacyo Ururu la garanayo ujeedooyinka loo aasaasay Kooxdan daaha dabadiisa Dhalinyarada ka hagaya ayaa kala ah.

1 : Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani oo ay ku bahoobeen siyaasiyiin aragti gaaban oo Dal iyo Dadba dan ka lahayn oo qabyo badan oo gudaha Xisbigooda taala ku guul daraystay in ay qabyo tiraan soona saaraan murashaxiinta doorashada Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku Xigeenka ee Xisbiga Wadani uga tartami doonta doorashada soo socota ee Madaxwaynaha anigoo Bulsho waynta S/land ku Guubaabinaya in aanay hadalkooda dhag u dhigin oo aan laga hor keenin Horomarka Dalkooda ka curtay.

2 : Waxaa jira Ciroolayaal Horomarka Dalka iyo Horomarka Dakadaba Caqabad ku ah oo Shacabka S/land kala fogeeya oo sokeeyaha isku soo jiidin oo hadalkiisu Milgaha Dhaqanka iyo Sharafta Dawladnimo meel ka dhac ku yahay anigoo Bulsho Waynta S/land ku Guubaabinaya in aan hadalkooga la dhagaysan .

3 ; Waxaa jira Siyaasiyiin gooni u socod ah oo Xisbi laawe ah oo Horomarka Dalka iyo Horomarka Dakadaba diidan oo Kursi Jacaylku madax maray oo Xukuumad aanu ka mid ahayni ka nabad galin anigoo Bulsho Waynta S/land ku Guubaabinayaa in aanay hadalkooda la rumaysan .

4 : Waxaa jira Shaqsiyaad ku jaho wareeray saaxada siyaasada oo aqoon daro badani hadalkooda ka muuqato oo Wax magarato ah oo Mucaaradka Hadalkooda buun _buuniya kor u qaada anigoo Bulsho waynta S/land ku Guubaabinayaaa in aanay Hadalkooda dhag u dhigin .

Isku soo wada duubuu waxaa hubaala in Kooxdan Tirada yar ay aragtiyo badan la wadaagto una adeegto kuna shaqaynayso Siyaasada Dawlada Taagta Daran ee Muqdisho oo hadh iyo habeenba ku hawlan sidii ay u wiiqi lahayd Horomarka iyo Midnimada Shacabka S/land isla markaana ay caqabad ugu dhigi lahayd Horomarka Dalka iyo Horomarka Dakadaba.

Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle S/land

Sacadmxs@hotmail.com