Dhambaal Ku Socda Shaqsiyaadka U Tafo Xaytay Shaashaynta Horomarka Muuqda Iyo Guulaha Uu Qaranka U Soo Hooyay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi RUN IYO RAAD RAAC

0
1459

Dhambaal Ku Socda Shaqsiyaadka U Tafo Xaytay Shaashaynta Horomarka Muuqda Iyo Guulaha Uu Qaranka U Soo Hooyay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi RUN IYO RAAD RAAC‏

Dhambaal Ku Socda Shaqsiyaadka U Tafo Xaytay Shaashaynta Horomarka Muuqda Iyo Guulaha Uu Qaranka U Soo Hooyay Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi RUN IYO RAAD RAAC

Waa Ayaan Darro In Dibjirkii Dariiqyada Dadka Ku Dhici Jiray Uu Aflagaadeeyo Masuuliyiinta Qaranka S/land

Milgahooda ragaan dhawrinoo maagayaa jira e

Mid kastoo maqaalada qoroo mala awaal sheega

Mid kastoo maraataynayoo hadal maqiiqaaya

Maskaxdiisa hadal aanu marin madasha keenaaya

Maalintii timaadaba kuwaa madaxda ceebeeya

Nimankaa mugdiga guurayee maalin socotaynin

Masuulkii la doortaba kuwaa ceebta marinaaya

Toban meeris madhaal loo xuliyo midho xasuuseed dheh

Erayadii Iyo Qalinkii Abwaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley S/land

Waa dhambaal ku jihaysan inta u tafo xaydatay in ay shaasheeyaan Guulaha Xukuumada Madaxwayne Axmad Maxamad Maxamuud Aadan (Siiraanyo) ka soo hoysay Siyaasada Arimaha Dibada iyo Gudaha Dalka S/land, Sidoo kale waa dhambaal ku jihaysan inta halmaansan xurmada Madaxda Dalkooda, inta xasadka iyo xumaanta ka shaqaysa, inta xakamaha goosatay ee xishoodka ka tagtay, inta xaalad abuurka ah ee u xusul duuban in ay weedho xanaf leh warbaahinta u mariyaan Masuul xillkiisa gutay, inta xirfada ka dhigatay xaqiraada iyo xajiimaynta Wasiir karti iyo daacadnimo Bulshada S/land ku taqaano,Wasiir hall adag,hadaf cad iyo higsi fog lagu yaqaano, Wasiiir xillkasa oo qunyar socoda, Wasiir dulqaad iyo daganaansho lagu yaqaano, Wasiir sinaan iyo cadaalad xillka Qaranka u guta, Wasiir Cilmi,Curin iyo Caqli lagu hogaamiyo Bulshada S/land ku taqaano , Wasiir Waxqabadkii iyo Horomarkuu ku talaabsaday mudo Shan Sanno ah uu hayay Xillka Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Bulshada S/land Bari iyo Galbeedba ay ka marag kacayso iyadoo Hurumarkuu ku talaabsaday ka muuqdaan Madaarada Dalka sida Madaarka Cigaal International Airport, Wasiir mudada uu Xillka Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada hayay u quus gooyay damaca Maamul Goboleedka Butland ee Soomaaliya ku sheeganayay Gobolka Sool iyo qaybo ka mida Gobolka Sanaag ee S/land, Wasiir Bulshada S/land ku bogaadinayso midho dhalka iyo guulaha uu ka soo hooyay Safaro isdaba jooga uu ku tagay Gobolada Sool iyo Sanaag, Wasiir hogaamintiisa ay ka muuqato waayo aragnimo Siyaasadeed mudo Lix Sanno ah uu hayay Xillka Wasaaradaha Duulista Hawada iyo Wasaaarada Madaxtooyada oo Laf Dhabar u ah dhamaan hawlaha baaxada leh ee ay qaranka S/land u hayaan Wasaaradaha iyo Laamaha Dawlada S/land.

Madaxtooyada
Xulashadaa iyo xog uririntaa aan araarta uga dhigay qormadaydu halkaa ha ii joogtee waa mar kale iyo falanqayntii Qurba joog iyo Qodaal joog oo idin soo gudbin doona Xikmadii hal abuurka iyo Xarfihii qoraaga oo gees u wada jeeda.

Qodaal joog : Maad aragtay Hadaladan fariimaha Qabyaalada Xambaarsan ee dibjirkii dariiqyada dadka ku dhici jiray warbaahinta u mariyo Masuuliyiinta Qaranka? Miyaanse la gaadhin waqtigii laga gudbi lahaa Xoriyada bilaa Xuduuda ah?

Qurba joog: Haa waan arkay waxaana la gaadhay Waqtigii xayndaabka sharciga lagu soo dabaali lahaa inta halmaansan xurmada Madaxda Dalkooda waxaanan dhambaal u dirayaa inta ku jaho wareertay Saaxada Siyaasada ee hadalada gafka iyo meel ka dhaca ku ah Milgaha Dhaqanka iyo Sharafta Dawladnimo Warbaahinta mariya Masuuliyiinta Qaranka .

Qodaal joog : Waxaa wax lala yaabo ah Maangaabka iyo War xumo tashiilka caadaysatay in uu hadalo bilaa tudhaala oo Qabyaalad iyo Qudhunkeeda xambaarsan oo gaf iyo meel ka dhac ku ah Milgaha Dhaqanka iyo Sharafta Dawladnimo Warbaahinta u mariyo Masuuliyiinta Qaranka.

Madaxtooyda

Qurba joog : Maanta dhambaalkaygan waxaan u dirayaa Dadka sumada lagu gartaa ay tahay Maan gaabnimo iyo War xumo tashiilka caadaystay Xajiimaynta iyo Xaqiraada Guulaha Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo sida ka muuqata Gabaygan.

1: Milgohooda ragaan dhawrinoo maagayaa jira e

2: Toban masalo ragaa koobsadeen muuqa garanaayo

3: Mid kastoo maqaalada qoroo mala awaal sheega

4: Mid kastoo maraataynayoo hadal maqiiqaaya

5: Maskaxdiisa hadal aanu marin madasha keenaaya

6: Maalintii timaadaba ragaa madaxda ceebeeya

7: Nimankaa mugdiga guurayee maalin socotaynin

8: Mashruucuu danaystuhu wadiyo mawjadaa badane

9: Murti culus madhaal loo xuliyo midho xasuuseed dheh

10: Maamulkiyo sharciga dawladnimo ma kala maarmaane

11: Haday murugto marjaca loo noqdana milicsi waayeel dheh

Qodaal joog: Siyaasiga dhaliisha sheegaya ama Muwaadinka dhabta ah ee Mucaaradka ah waa ka garanaya in Masuuliyiinta Xukuumadu huwan yihiin Sharaftii Qaranka ayna mudan yihiin in la xurmeeyo dhaliisha uu gudbinayaana ay tahay mid xaqiiqda iyo danta guud ku qotonta sida Gabaygani tillmaamayo.

1: Mabda’a hufan hadal koobayiyo erayo miisaaman

2: Tilmaan muwaadinkii dhab ahi maanka galinaayo

3: Talo muranka diidanoo bulshada lagu midaynaayo

4: Murti danaystaha maaha tidhi masibidkuu sheego

5: Dhaliil masraxa dhawrasoo madaxda ceebaynin

6: Taariikh mug wayn maqaal daafacoo masaxin sooyaalka

7: Midho shilis madhaal loo xuliyo mahadhadaydii dheh

8: Murti culus muxibana ku ladhan midho xasuuseed dheh

9: Maamulkiyo sharciga dawladnimo makala maarmaane

10: Haday murugto marjaca loo noqdana milicsi waayeel dheh

Qurba joog : Ugu danbayn waxaan ku soo gunaanadayaa Tuducyo ka mid ah Maansadii Saldhigii Aqoonta oo wacdi iyo waanaba ugu filan inta Maan gaabka iyo War xumo tashiilka ah.

Ma ogtahay siciidow

Runtu in ay sadwayn tahay

Saxansaxo udgoontahay

Warka subag u yeeshoo

Sixin iyo baruur tahay

Suuq gayna noqotoo

Sumcadeedu badan tahay

Beentuna siniintoo

Siifadeedu kulushahay

Qalinkii Iyo Erayadii Abawaan Sacad X Maxamuud Gadhle Gabiley S/land

http://horseednews.com/articles/13652/Dhambaal-Ku-Socda-Shaqsiyaadka-U-Tafo-Xaytay-Shaashaynta-Horomarka-Muuqda-Iyo-Guulaha-Uu-Qaranka-U-Soo-Hooyay-Wasiirka-Madaxtooyada-Maxamuud-Xaashi-Cabdi-RUN-IYO-RAAD-RAAC