Dhaqdhaqaaqa Abaabulka Caleemo Saarka Suldaan Ka Mid Ah Beelwaynta Habar Awal,Isaaq,(Dir) Oo Aad Looga Dareemay Magaalada Muqdisho.

0
533

Dhaqdhaqaaqa Abaabulka Caleemo Saarka Suldaan Ka Mid Ah Beelwaynta Habar Awal,Isaaq,(Dir) Oo Aad Looga Dareemay Magaalada Muqdisho.

Muqdisho, (Warsugannews) — Beelwayenta Habarawal oo tebaysay Baahiyaha gaamuray ee muddada dheer qabyada ahaa, tan iyo intii dawladii Maxamed siyaad barre meesha ka baxday oo ay ka mid tahay hogaaminta dhaqanka oo meesha ka maqnayd muddada ayaa baahiyaha jira awgeed Beel waynta Habarawal, Isaaq, oo mudoba baadigoobaysay in ay hesho hogaan dhaqan oo metala beesha habar awal kaas oo arrimaha dhaqan ,dhaqaale ee ay somaalidu wadaagto ka fuliya Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya iyo dabcan deegaanka uu soo jeedo suldaanku ee waqooyi oo ah udub dhexaadkii umada Soomaaliyeed, oo ay ugu horayso Caasimada Muqdisho.

Haddaba beelwaynta habar awal ee degen subulaha ilaa saaxil ama Degaanka Hargaysa, Gabilay, Berbera, Sheekh, iyo Burco dhamaan wax garadkooda,aqoon yahankooda, saladiinta dhaqankooda iyo Qurbo jooga beesha Habarawal iyagoo la tashi kala sameeyay dadka degen koonfurta iyo badhtamaha Somaaliya ee Habar Awal waxay isla garteen in sida ugu dhakhsaha badan uguna haboon loo caleemo saaro 20/2/2016.Suldaanka oo matalaya beelwaynta Habarawal Suldaan Mawliid Cumar Warsame laguna caleemo saarayo Magaalada Muqdisho, si uu uga jawaabo ama uga shaqeeyo baahiyaha dhaqan ee soo noqnoqday ama dib u heshiisiinta umada soomaaliyeed heer gobol iyo mid caalami.

Beelwaynta habarawal oo Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya oo in badan ay qabyo ka aahayd arrimaha dhaqanka ee koonfurta, caleemo saarka suldaanka oo ay shacabka beelweynta habarawal aad u soo dhaweeyen, waana Suldaankii ugu horeeyay ee tageero ka haysta Dadwaynaha uu ka soo jeedo ee waqooyi iyo Koonfurta Soomaaliya. Isagoo noqon doona biriishka isku xidhi doona Beelwaynta Habarawal ee Koonfur iyo waqooyi,waana Suldaankii ugu horeeyay ee aqoon u leh dadka uu metelaayo ee Koonfurta iyo Waqooyiba.Sidaa darteed waxay beesha habar awal uga fadhidaa kuna dardar gelinaysaa in uu door muhiima oo shariifa ka qaato arrimaha bulshada iyo isbdelada socda ee Hiigsida 2016

Dhamaan beelwaynta Habar awal,Isaaq, DIR, iyo beelaha Somaaliyeed ee kale waxa loo soo jeedinayaa in ay ka soo qayb galaan caleemo saarka Suldaan Mawliid Cumar Warsame ka dhacaya caasimada muqdisho.

Waxaad kala soo xidhiidhi kartaan Telfonka Suldaanka.00252619886957.

iyo Gudoomiyaha Gudiga qaban qaabada Cabdiraxmaan Cali Aadan.Tell:0615228876,0615771050.

ama Email: Abdirahman.ali6152@Gmail.com