Dhibaatada Gambia oo Mali looga arrinsanayo

0
434

Madaxda Galbeedka Afrika ayaa lagu wadaa inay ka wadahadlaan dhibaatada siyaasadeed ee dalka Gambia markii ay maanta ku kulmaan dalka Mali.
Wadahadallada ayaa dhinac socon doona shirweynaha Afrika iyo Faransiiska ayaa waxaa ka qeyb qaadan doona madaxweynaha la doortay ee Gambia, Adama Barrow.
Shirka ayaa imanaya maalin un kaddib markii wafdigii hogaamiyayaasha Galbeedka Afrika uu ku guuldaraystay inay ku qanciyaan hogaamiyaha mudada dheer dalkaasi maamulayay ee Yaxya Jammeh, inuu xilka isaga dago.
Madaxweyne Yaxya Jammeh, ayaa weli ku dheggan xilka, inkasta oo ay aheyd inuu Khamiista soo socota uu awoodda ku wareejiyo madaxweynaha la doortay, Adama Barrow, hasayeeshee xataa wareegii labaad ee wada xaajoodka kaddib weli waa uu diidan yahay inuu xilka iska tiriyo.
Ergayga Qaramada Midoobay ayaa u sheegay Golaha Ammaanka in urur goboleedka Galbeedka Afrika ee Ecowas, ay suuragal tahay inay ayidaad ka dalbadaan Qaramada Midoobay si ciidammo loogu daad gureero dalka Gambia.