Dhismaha saldhiga Imaaraadka iyo maalgashiga dekeda, oo la saadaalinayo inay maalgashi dheeraad ah ka hesho Somaliland

0
760

London-(WSN)- Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) ayaa la sheegay inuu ka hadli doono doorka golaha Wakiilada ee jawaabo loo helo caqabada Somaliland iyo sidii loo xoojin lahaa, kulan ka dhacaya xarunta Chatham House.
Sida lagu baahiyey mareegta Chatham House, xarun lagu daraaseeyo siyaasadaha, oo magaalada London ku taal, ayaa lagu sheegay in Arbacada soo socota lagu qaban doono kulan loogu magac daray xoojinta xisaabtanka Somaliland, doorka golaha wakiilada iyo

GUDOOMIYE CIRRO: KULANKA CHATHAM HOUSE OO LAGU QIIMAYN DOONO BISAYLKIISA SIYAASADEED EE DIFAACIDA DANAHA MAALGASHIGA SOMALILAND!

Sida lagu baahiyey mareegta Chatham House, xarun lagu daraaseeyo siyaasadaha, oo magaalada London ku taal, ayaa lagu sheegay in Arbacada soo socota lagu qaban doono kulan loogu magac daray xoojinta xisaabtanka Somaliland, doorka golaha wakiilada iyo saadaasha dib-u-habayntooda.

Madaxweynaha JSL Md. Axmed M. Maxamuud (Siilanyo) oo ka hadlaya Chatham House

Kulankan Arbacada oo lagu martiqaaday Gudoomiyaha golaha wakiilada, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Wadanni, ayaa guudmar ku saabsan lagu sheegay in dib u dhac soo noqnoqday iyo kordhin doorashooyinka wakiilada, deegaanka iyo madaxtooyada, saamayn ku yeelan karaa dhabahii dimoqraadiyadda Somaliland.

Qoraalka laga baahiyey kulanka ayaa lagu sheegay in jawaab gargaar bani’aadmnimada loo baahan yahay, si loogu caawiyo malaayiin qof oo halista abaarahu saameeyeen Somaliland, isla markaana taasi caqabad ku noqotay diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha.

Intaa waxaa dheer, labada Aqal ee Baarlamaanka dhawaan waxay ansixiyeen dhismaha saldhiga Imaaraadka iyo maalgashiga dekeda, oo la saadaalinayo inay maalgashi dheeraad ah ka hesho Somaliland.

Madaxweynahii hore Md. Dahir Rayale Kahin ayaa 6 March, 2009 kaga hadlay caqabadaha Somaliland, halka Madaxweynaha JSL Md. Axmed M. Maxamuud (Siilanyo) uu xarunta Chatham House kaga hadlay 26 November, 2010 qorshayaashiisa Somaliland & saamaynta wadamada gobolka, ayaa kulanka Arbacada ee Gudoomiye Cirro la saadaalinayaa inuu sii balaadhiyo fahamka dunnidu ee muhiimada maalgashiga wadamada caalamku u yeelan doonaan Somaliland, isla markaana qiimayn u noqon doona bisaylka Gudoomiyaha golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Cirro ku sii difaaco danaha iyo siyaasadaha maalgashi ee Somaliland la wadaagto beesha caalamka, sida dalka Imaaraadka carabta oo wakhtigan si weyn aduunka iyo khubarada xarunta Chatham House uga dheregsan yihiin.

Source
somalilandspan.com