Dib umilicsiga Mahadhooyinkii la mahadiyey Ee Wasiir Maxamed Ibrahim Qabyo-tire Intii wuu ahaa Badhasaabka G.Togdheer Q4aad W/q: Mr.Hamse Bashe Wiyeer

0
875

Dib umilicsiga Mahadhooyinkii la mahadiyey Ee Wasiir Maxamed Ibrahim Qabyo-tire Intii wuu ahaa Badhasaabka G.Togdheer Q4aad W/q: Mr.Hamse Bashe Wiyeer

Doorkii badhasaab Maxamed Ibraahim ka qaatay diwaan-gelintii codbixiyayaasha gobolka Togdheer: Waxay tariikhdu ku beegnayd 16kii jeeniwari ee sanadkan (16/01/2016) maalin Sabti ah markii ay si rasmi ah uga bilaamatay diwaangelinta codbixiyayaashu guud ahaa gobolka Togdheer. Gobolka togdheer oo noqonaya gobolkii ugu horeeyey ee koomishanka doorashooyinka qaranka Somaliland u asteyeen in uu hormuud u noqodo guud ahaan goboladda kale ee dalka, si wixii carqaladdo iyo dhaliilo ah ee kasoo baxa inta ay socoto diwaangelinta codbixiyayaasha ee gobolku uga dhigtaan waa koomishankee kuwo wax badan ka kororsadda xiliga lugu jiro diwaangelinta gobolada kale dalka.

Intii hawshan culayska badan ee diwaangelintu ka socotay guud ahaa degmooyinka gobolka togdheer ayaa sidoo kale culays dheeraad ah oo xaga masuuliyadda iyo maamulka gobolka waxaa dusha iska saaray maamulka gobolka oo uu gadh-wadeen ka ahaa gudoomiyaha gobolku Mr.Maxamed Ibraahim Qabyo-tire.

Hadaba masuuliyadihii dheeraadka ahaa ee gudoomiye Maxamed Qabyo-tire dusha uu u ritay ayaa wax kamid ahaa :-
1. Sidii guud ahaa degmooyinka gobolka oo aad u kala durugsan masaafo ahaan si nabad-gelyo leh loo gaadhsiin lahaa qalabka iyo shaqaalaha ka shaqayn doona diwaangelinta codbixiyaha. 2. Sidoo kale inta ay socoto diwaangelintu in amaanka guud ahaa gobolka la sugo isaga oo gudoomiye Maxamed Ibraahim uu u diyaariyey ciidamo dheraad ah oo qaada masuuliyadda goobaha diwaangelinta.
3. Sidoo kale in go’aan middaysan uu kasoo saaray cid kasta oo isku dayda in ay marlabaad qaadato kaadhka codbixiyaha.
Haddaba 1dii bishii feebarwari ee sanadkan(01/02/2016) ayuu gobolka togdheer gaar ahaan magaaladda Burco iyo degaanada hoos yimaddaa waxay nasiib u heleen in uu kormeer iyo u kuur gelid guud ahaan arimaha gobolka gaar ahaan sidda ay u socoto hawsha diwaangelintu uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ku maro. Gudoomiye Maxamed Ibraahim Qabyo-tire oo madaxweyna hor kacaayey ayaa soo tusay goobo kala duwan oo kuyaal badhtamaha magaaladda burco oo si nabad-gelyo ah ay uga socoto qaadashadda kaadhka codbixiyaha, mudadii madaxweynaha iyo weftigiisu ku jireen kormeerkan ayaa Maxamed Ibraahim qabo badhasaabka gobolka togdheer wuxuu warbixino ka siiyey madaxweynaha iyo weftigiisa halka ay marayso qaadashadda kaadhka waxaana hadaladiisii kamid ah “Madaxweyne waad ku mahadsantay bookhashaddan aad ku timi xarunta gobolka togdheer ee burco, madaxweyne goobtan aynu joogno waxaa ka socotay qaadashadda kaadhka codbixiyaha oo si nabad gelyo iyo anshax wanaag ah hadda noogusoo gebo-geboobaysa, Madaxweyne si wanaagsan oo qurux badan ayey noogu dhamaatay, 7 cisho waxay ahayd meelaha miyiga ee burco iyo oodweyne, 14 cisho oo horena waxay ahayd halkan (burco) iyo oodweyne, hadda waxaanu galnay 14 cisho ee dambe ee qofku optionalka uu u lahaa, kolay komishanka ayey sir u tahay tirade is diwaangelisay, si nabad gelyo ah ayey noogu dhamaatay, intii diwaangelintu ay socotay waxaanu qabanay oo halkan burco noogu xidhan 14 qof oo sameeyey in ay labo jeer qataan kaadhka (double vote) oo uu qabtay mishiinku, degaanadda burco ka baxsana 7 qof ayaanu ku qabanay, dhamaan dadkii kalena way ka istaageen in ay mar kale qataan kaadhka, Sidoo kale madaxweyne waxaa garab socota diwaangelintii madaniga ahayd ee wadaniyadda oo ay cidii ka dib dhacaday ay qaadanayaan oo aanu u fududaynay.” Dhanka kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo ayaa si aad ah ugu madceliyey gudoomiyaha gobolka guud ahaan sida xilkasnimadda leh ee uu hawshan uga qayb qaatay.

Doorkii badhasaab Maxamed Ibraahim uu ka qaatay walaalleynta labada magaalo ee Burco iyo Tower hamlet: Munaasibad aad u qurux badan oo ka dhacaday magaaladda burco wakhti ku beegan 14kii bishii Maarij ee sanadkan (14/03/2016) ayaa lugu walaalleynaayey (matanayn) labadda magaalo ee Burco oo Somaliland ah iyo Tower hamlet oo Ingiriiska ah. Munasibadan oo ay kasoo qayb galeen marti sharaf aad u qiimo baddan ayaa gudoomiyaha gobolka togdheer oo qayb ka ahaa martisharfta wuxuu si balaadhan u sharaxay muhiimadda walaalleynta labada magaalo, sidoo kale waxa uu ka shekeeyey tariikho badan oo uu goobjoog ka ahaa. Akhriste aan ku xasuusiyo ee Maxamed Ibraahim, wuxuu door muhiim ah uu kasoo qaatay dib u dhiskii dalka xili uu sugnaa qaaradda yurub gaar ahaan magaaladda London iyo magaaladdan Tower hamlet ee maddashan lugu matanaysiinayo magaalada burco.
Haddaba hadladii xusuusta mudnaa ee Badhasaab Maxamed Ibraahim uu ka jeediyey madasha ay walaalleyntu ka dhacaysay ee magaaladda Burco ayaa uu ku sheegay in uu indhihiisa ku arkay calanka Jamhuuriyadda Somaliland oo magaladda London badhtamaheeda sudhan waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Aad iyo aad ayaan u faraxay aadna waan u soo dhaweeyey markii aan arkay in London oo ah ubucdii UK ama Ingriiska in calankeenii saddexda midab lahaa oo ka dhex babanaaya”, hadaladani waxay ka dhigeen maddashii quruxda badnayad mid sacab iyo farxad lugu iidaanay.

Afeef: “Akhriste maaha mid qoraal iyo qoraallo lugu soo koobi karo waxqabadyada iyo shaqooyinka muuqdda ee Gudoomiye Maxamed Ibraahim Qabyo-tire uu ka hirgelinaayo gobolka togdheer, waxaanan ka afeefanayaa in waxqabadyadan aan ka waramay mooyaane geesta kale ay jiraan ku aad u baddan oo si hoose iyo si muuqata labaddaba uu gudoomiyuhu u qabanaayey oo aan jecelahay in iyaga laftoodu noqon doonaan kuwo taariikhda u gala gudoomiyaha gobolka togdheer aniguna aan ku tilmaami doono qoraaladayda dambe hadduu rabi qadaro”.
LASOCO QAYBTA XIGTA

Mr.Hamse Bashe Wiyeer
E-mail: Wiyeeryare@gmail.com
www.Facebook.com/wiyeeer
www.wiyeeryare.blogspot.com