DIIWAAN-GELINTA OO FASHILANTA YAA KU CEEBAYSAN?..

0
342

DIIWAAN-GELINTA OO FASHILANTA YAA KU CEEBAYSAN?……………

Dhibaatooyinka haysta bulshada Somaliland ee aan meel ay ku dhamaadaan la aqoonin, waxa ka mid ah ,dhibaatada ka haysata xagga dareenka taariikhda ,runtii ma aha ummad qof keedii siyaasiga ahaa,aqoonyahanka ahaa,dhalinyaro ahaa ,ku cilmi leh iyo mid aan lahaynba,iyo ku waayeel ah, dhammaantoodba waxaan odhan karaa waa kuwo DHEG WEYN ah ,oo aan is waydiinin shalay iyo maxaa dhacay?,dorraad iyo waayihii jiray muxuu ahaa ?
Maxaa lagu guul darraystay,guul daradaasi –se, maxaa u sabab ahaa?
Maxaase lagu guulaystay,oo laga gaadhay yoolkii ujeedadu ahayd?
Maxaa dhib lahaa? Maxaase dheef lahaa?.

Waxa xaqiiqo ah in ummadi haddii ay marjac ka dhigan waydo,duruufihii laga soo gudbay waayihii tegey,kuna xisaab tami weydo,kolba xumo iyo
Samo,wixii kasoo maray,tallaabooyinkii halganka nolosha. in aanay meel gaadhin weligeed, waxaanay ku sifowdaa bulsho dib u dhac u saaxiib ah , mar kasta oo ay dhibaato soo asiibto oo ay dhooqo dhex dabbaalatona, illayn arrin kale iyo fikir kale oo ay ku maarayso mushkuladahaasi ma haysee ,waxay miciinsataa OOHIN Iyo inay daarato(shidato) cajalada Ama mp3-ga CALAACALKA.
Hadaba inaynu nahay ummad tilmaamahaas aan soo sheegay leh,waxa caddeyn u ah, dhowaanta waxa ka bilaabmay dalka, hawshii diiwaan gelinta codbixiya-yaasha,taasi oo ka curatay gobolka togdheer,wakhti xaadirkan-na wejigeedii labaad u wareegay dhinaca gobolka awdal, isla markaana socota ilaa imika, waxa hadaba isweydiin mudan miyay heshay hawshaasi diiwaangelinta oo ah mid ahmiyadeeda iyo qiimaheeda leh Xilkii iyo masuuliyadii ay lahayd ee Hanan lahaa habsami socodkeeda iyo hirgelinta diiwaan gelin ceeb iyo madmadow ka caafimaad qabta?. Jawaabta waxaan odhan karaa, kolka si wadaniyadi ku jirto loo hadlo waa Maya. Waxaana dawgu ahaa in iyadoo maanka lagu hayo dhibaatadii fadeexadii iyo khasaarihii maaliydeed ee ka soo food saaray dalka,iyo dhinacyada Somaliland ka taageera gardaadinta dimoqraadiyadda,diiwaangelintii hore ee fashilku ku dhacay.
In xukuumad iyo shacab-ba,xoogga la saaro sidii taxadar fara badan looga yeelan lahaa nidaamka diiwaan gelin, si sugan uga qabsoonta dalka.
Miyaanay nasiib darro ahayn innagoo waayo arag u ah,dorraad iyo waayihii diiwaan-gelinta ,kana wada dhereg san Asbaabihii xuddunta u ahaa fashilkeega ,in maanta ay soo baxaan oo dhegeheennu maqlaan, calaamado la nooc ah kuwii qarankani uu hore u soo eedday.
Mudadii ay diiwaan gelintu ka socotay deegaanada ka baxsan magaalooyinka waaweyn ee gobolka awdal, waxa goobaha diiwaangelinta kasoo yeedhayay dhiillo, ay hawlwadeenada gacanta ku haya diiwaangelintu, kaga deyrinayeen,habka loola dhaqmay,iyagoo sheegay si ay u diiwaangeliyaan in loo keenay goobahaasi dad aan gaadhin da’adii sharcigu u ogolaa in lagu diiwaan geliyo ee 15ka sano, kuwaasi oo qaarkood da’doodu ka hoosaysay 10ka sano, kadibna ay ka diideen,
Iyagoo eegaya MASXAFKA QUR’AANKA ee ay ku dhaarteen,iyo axdiga ay qarankooga u qaadeen. hase yeeshee waxa la sheegay in diidmadoodaasi kadib culays badan , cadaadis xoog leh iyo weliba HANDADAAD dad waayeel sheeganayaa ku saareen fulinta hawshaasi,
Tii ka horraysay ee gobolka togdheer waxa laga war qabaa buuqii ka dhashay ,dad ku kacay falal lid ku ah nidaamka diiwaan gelinta ,kuwaasi oo qaatay laba kaadh,inkasta oo gacanta lagu dhigay kolkii danbe.
Iyadoy sidaasi tahay hadana sida dad goob joogayaal ahi xaqiijinayeen,cadaadiskaasi ayaan noqon mid guulaysta ,kadib kolkii hawl wadeenada da’yarta ah ee gacanta ku haya hawshaasi, ku adkaysteen mowqifkoogii sharci.

Isku soo xooriyoo waxa lagama maarmaan ah si looga badbaado dhacdooyinka caynkaasi ah,iyo kuwo badan oo kale oo ku gadaaman diiwaangelinta, isla markaana dhaawac i kara qaabsocodka iyo natiijada diiwaan gelinta,loona sugo amniga dadka ka hawlgalaya goobaha diiwaangelinta, in xukuumadda Somaliland aanay ku halaynin, masuuliyadda miisaankeega leh ee hirgelinta diiwaan gelin sax ahi u baahan tahay, xubnaha cusub ee COMMISIONKA ee aan waayo-aragnimada badan lahyn, waayo qarankani ma qaadi karo in maalin kasta iyo marxalad kasta uu noqdo mid u RAHMAN qof ku cusub saaxadda siyaasadda iyo nidaamka hoggaamineed. Laguna tababar qaato, iyo masuuliyiin ficilkooda ay kuu muuqanayso in aanay daacad ka ahayn xilka ay qaranka u hayaan sida:wasaaradda arrimaha gudaha ee uu ka taliyo CALI WARAN CADDE Oo ku suntan inay dhicisowdo diiwaangelintii medeniga ahayd. ee wuxuu u baahan yahay cid ka faraqabso laabtoodu ka fayowdahay iyo cid lasoo falgashay dalka iyo dadka oo u bisil, hilaadinta kolba halka yoolka horumarkoodu ka xigo.
Waxaana ku waajib ah xukuumadda inay sida ugu dhakhsaha badan u qaaddo tallaabo ay wakhtigan iyo wixii ka danbeeyaba ku geynayso goobaha diiwaan gelinta ASKAR ka socota ciidanka milateriga waayo? ciidamada qaranka gaar ahaan milaterigu way ka nadiifsan yihiin qaybaha kale ee ciidamada ,daacadana way uga dhow yihii, gees kale kolka la eegona dadweynaha laftoodu way uga habrasho badan yihiin milateriga, noocyada ciidamada kale, sababtoo ah ciidanka xooggu cidna kama ogolaadaan safaadka, waxaana tusaale dhow iyo xusuusba inoogu filan kaalintii sharafta lahayd ee ay kasoo qaateen doorashadii madaxtooyada ee 2010kii oo sida dad badani qabaan la’aantood ay adkaan lahayd inay qabsoonto.

Waxaana iga xasuusin ah in haddii diiwaangelintu dhicisawdo cidda ku ceebaysani tahay xukuumadda khaasatan hoggaanka talada dalka haya,balse aanay noqon doonin,xubnaha commishanka doorashooyinka iyo cali waran cadde.
Wax cusub ma aha in EEDO aanay galabsan xukuumadda tunka loo saaro, waxayse ahayd mid hore u dhacday, waayo-aragna loo yahay , iyadoo laga war qabo dhibaatadii iyo dunuubtii dhacday doorshadii golaha deegaanka in ciddii geysatay ay ahaayeen guddigii doorashooyinka ee uu horjoogaha u ahaa ciise xamari ,kuwaasi oo natiijooyin is khilaafsan oo ku aadan tirinta codadka ku dhawaaqay in ka badan saddex goor oo kala gedisan,isla markaana xarruntooda gudaheeda wax isdaba marin caddaan ah oo dhinaca DATA-da ahi ka dhacday.
Hadana eeddahaasi cidii loo xambaariyay waxay ahayd uun xukuumadda.