Diiwaangelinta Golaha Dhexe ee KULMIYE iyo Bixinta Kaadhadhka Aqoonsiga oo si Rasmi ah uga Bilaabantay Xarunta Xisbiga +Sawiro

0
397
????????????????????????????????????

Diiwaangelinta Golaha Dhexe ee KULMIYE iyo Bixinta Kaadhadhka Aqoonsiga oo si Rasmi ah uga Bilaabantay Xarunta Xisbiga

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE oo faahfaahiyey hawsha diiwaangelinta + xubnaha miisaanka leh ee qaatay kaadhadhka

Hargeysa (Warsugannews)- Diiwaangelinta Golaha Dhexe ee KULMIYE iyo qaadashada kaadhadhka aqoonsiga xubanimo, ayaa si rasmi ah uga bilaabmay xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa maanta.

Diiwaangelintan iyo bixinta aqoonsigan oo qayb ka ah hawlaha u diyaargarowga shirka 5-aad ee Golaha Dhexe ee xisbal-xaakimka KULMIYE oo u muddaysan 10-ka bish November ee sannadkan 2015, ayaa ku bilaamantay si dardar leh maalintii kowaad ee waqtiga loo asteeyey dhammaystirka qaadashada kaadhadhka golaha dhexe oo loo qorsheeyey muddo toddobaad ah.

Ilaa boqol xubnood oo ka mid Golaha Dhexe ee xisbiga oo ay ku jiraan masuuliyiin xilal ka haya hay’adah dawladda oo uu ka mid yahay Maayarka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa noqday xubnihii ugu horreeyey ee galay diiwaanka rasmiga ah ee qaatay aqoonsiga ka qaybgalka shirka golaha dhexe.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga saaka, ayaa ku dhawaaqay bilowga hawsha diiwaangelinta iyo bixinta kaadhadhka xildhibaannada golaha dhexe ee ka qaybgalaya shirka.

“Saaka oo Sabti ah waxa xarunta xisbiga KULMIYE ka bilaamay samaynta kaadhadhka aqoonsiga xubnaha golaha dhexe ee ka qaybgalaya shirka 10-ka bisha November bilaamaya. Inkasta oo siyaabo kala duwan ay dadka qaarkood u sheegeen, haddana had iyo jeer marka shir la galayo dadka ka qaybgalaya waxa loo sameeyaa aqoonsi, waxa keliya ee la samaynayaa waxa weeye kaadhka aqoonsiga xubin kastoo golaha dhexe ah oo liiskoodu kan i horyaala yahay,” ayuu yidhi Maxamed Kaahin.

Waxa kaloo uu sharraxay qaabka loo diiwaangelinayo xubnaha, waxaannu yidhi, “Samaynta kaadhka golaha dhexe waxaannu u samaynay foom la yidhaa warqadda caddaynta xubinta golaha dhexe oo qof kasta marka lagu caddeeyo inuu ku jiro liiska, waxa loo jarayaa madbacad daabacaysa, nuqul koobi ahna waxa uu u hadhayaa xarunta xisbiga, laba sawir oo laga qaadanaya mid waxa lagu samaynayaa kaadhka aqoonsiga, ka kalena waxa uu kayd u ahaanayaa xisbiga.”

Dhinaca kale, Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad waxa uu sheegay in golahan dhexe ee loo samaynayo aqoonsigu yahay liiska sharciga ah ee ka soo baxay shirweynihii u dambeeyey ee xisbigu yeesho, isla markaana uu yaalo dhammaan hay’adaha sharciga ee ku shaqada leh.

“Liiskan golaha dhexe waxa saxeexay guddoomiyihii shirweynaha oo wasiir Cadami ah iyo lix xubnood oo shirka la guddoominaye, koobi kasta oo liiskan ahi waa uu saxeexanyahay, liiskani wuxuu yaalaa Maxakamadda Sare, Xeer-ilaalinta, waxa uu yaalaa guddida diiwaangelinta ururrada siyaasiga ah iyo xisbiyada, wuxuu yaal Komishanka Doorashooyinka, waxa haya guddidii Guurtida ee ka gara naqday khilaafkii xisbiga kadib shirweynihiisii u dambeeyey,” ayuu intaa raaciyey Maxamed Kaahin.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

IMG_13941

IMG_13941[1]
Warsugannews
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here