Dil Dilaaca Xisbiga Kulmiye, Xukuumad Wakhti u hadhay Oo Wasiiradeedii si Tusbax Furan ah Isu Casileen iyo Sababaha Keenay FAALO‏

0
781

Dil Dilaaca Xisbiga Kulmiye, Xukuumad Wakhti u hadhay Oo Wasiiradeedii si Tusbax Furan ah Isu Casileen iyo Sababaha Keenay FAALO‏

Waxa sii gurmaya maalmihii xilliga sagootiska ku jira. Waxa soo siqaya dharaarihii millayga cusub ee soo dhawayntiisa loo diyaar garoobayo.

Amintu waa kala guur wadeeco iyo waxyeelaba wax saarkeeda laga toog hayo, Fooldhabashada xiddigaha, wareega meerayaasha iyo godadka dayaxu u kala gudayaana.

Kulmiye ma aha Mid ku Cusub Saaxada Siyaasada Somaliland balse waa mid la Kowsaday tan iyo intii ka danbaysay aasaaskiisa,Waxaa mudo aan dheerayn dhacday in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xisbiga Kulmiye ee ay ka dhalatay ay fiintu dhex miratay,Waxaa hadalka la isku waydaarsaday qalabka warbaahinta Waxaa la isu jeediyey dhaliilo iyo dhaleecayn aan waxba la isula hadhin.

Dhacdooyinka Maalmuhu wataan waxay tusaale u ahayd Siyaasada hogaamineed ee waddanku halka ay marayso Waxaa Waan waan ka dhex bilaabay Khilaafkii soo kala dhex galay Madaxweyne Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Ergo ka tirsan Golaha Guurtida Waxa la isku haystay Wuxuu ahaa Go’aanadii ka soo baxay Shirweynihii Xisbiga Kulmiye oo Gudoomiye Muuse biixi ku dooday in qodobo aan Jirin lagu soo daray,Waxaa ku lamaanaa Gudoomiyaha oo ku dhawaaqay inuu u taagan yahay Murashaxa Jagada Madaxweyne taas waxa liqi waayay Madaxweyne Siilaanyo.

Aakhirkii Madal loo dhamaa ayaa lagu soo afjaray Khilaafkaas, Gudoomiye Muuse Biixi ayaa qaatay go’aan geesinimo isagoo sheegay in Guurtidu aanay Waxba u Xukumin,Xaqiiqo ahaan waa Mid Jirtay, Waxaa la isla qaatay in Shirgudoonkii Shirweynihii Xisbiga Kulmiye Wixii ay soo saareen uu sharci yahay.

Xubno Ganacsato ah oo ka soo Jeeda Beesha Gudoomiye Muuse Biixi ayaa ku Qanciyey inuu ka hadho Tartanka Murashaxnimo si loo soo Gunaanado Khilaafka soo laba kaclaynaya ee Ka dhashay damaciisa, Mar kale Wuxuu Gudoomiyaha Kulmiye Shaaciyey inuu ka tanaasulay Hankiisii ahaa Murashaxnimada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye isagoo hoosta ka xariiqay in laga Guulaystay,Waxa uu intaas ku daray in Murashaxa Keliya ee Xisbiga u taagani uu yahay Madaxweyne Siilaanyo.

Dabaysha Siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye Marba dhinac ayay ka imanaysay,Saadaasha Wakhtiguna waxay ahayd mid aan la hilaadin Karin, Waxaa Suuqa Siyaasadda hafiyey Warar sheegaya in Madaxweynuhu aanu Murashax ahayn,lama beenin Karin maadaama aan Madaxweynaha laga hayn wax iska bedelay Mawqifkiisii,Marka la eego dhaq dhaqaaqyadii Socday Waxay fasiraad cad u ahaayeen in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu ka tanaasulay inuu isa soo Sharaxayo Mudo Xileedkiisa labaad.

Loolankii Kulmiye ee Ugu Cuslaa Wuxuu Markaas dhex miranayay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane C.casiis Maxamed Samaale iyo Gudoomiye Muuse Biixi,Waxaa ra’yul Caamku u arkayeen in C.casiis Samaale uu Taageero ka haysto Madaxweynaha isla markaana uu yahay Shakhsiga hurinaya Khilaafka Kulmiye ka dhex jira, Waxaa Wasiir Samaale soo Lamaaneeyay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Xilka Iska Casilay Maxamed Biixi Yoonis oo isna ku dhawaaqay inuu u Taagan yahay Madaxweyne Siilaanyo dabadii Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye, Ciyaartu Way sii Kululaatay in kasta oo uu hoos u dhac ku Yimid Markii Wasiir Samaale uu ka dhex baxay Xukuumadda kadib markuu Saluugay Wasaaradda Waxbarashada oo loo bedelay.

Horaantii Bishan October ayaa Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay Hareeraha ka Joogeen Madaxweyne ku Xigeenka Iyo qaar ka Mid ah Hogaanka Xisbiga Kulmiye Waxay kulan Warbaahineed ku qabteen Qasriga Madaxtooyadda Waxa uu Gudoomiyuhu Shaaciyey in Jiitan dheer kadib uu Qabsoomayo Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye kaas oo loo Mudeeyay 10 Bisha November ee Soo Socota.

Waxaa hanqarka la soo wada kacay xubno badan oo han siyaasadeed leh kuwaas oo iclaamiyey Kursiga ay u Tartamayaan inta la og yahay Waxaa Jagada Madaweynaha isu taagay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi,Wasiirkii Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyada C.casiis Maxamed Samaale, Iyo Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe.

Geesta kalena Waxaa ku dhawaaqay inay Jagada Madaxweyne Ku Xigeen u taagan Yihiin Madaxweyne ku Xigeenka haatan C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici, Wasiirka Waxbarashada Somaliland Faarax Cilmi Geedoolle,Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye, Wasiirka Wasaaradda Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Mudane Maxamed Jaamac Abgaal, Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtidda Cabdilaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) iyo Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Xasan Daahir Dhimbiil, Iyo Maareeyaha wakaaladda horumarinta waddooyinka Somaliland Xasan Cali Cismaan.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Kulmiye Xasan Siciid ayaa Wargalin uu Warbaahinta u qaybiyey ku sheegay in 17-kii bisha October ay bilaabmayso Qaadashada iyo Diiwaangelinta Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye taas oo isla Xiligii loo qoondeeyey ka furantay Xarunta Xisbiga Kulmiye ee Magaalada Hargaysa.

Waxaa soo baxay qoonsimaad iyo Tuhun ay Tirsadeen Murashixiinta lagu naanaysay Isbahaysiga uu hogaaminayo Maxamed Biixi Yoonis Waxa ay ku doodeen in Talaabadaasi ahayd Mid Gudoomiyaha Kulmiye uu ku dad badsanayo,Waxay Kulamo aanay waxba ka soo bixin la yeesheen Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C.raxmaan Saylici oo markaas ahaa Ku sime Madaxweyne,heer ay gaadhay in loo diido Xaflad ay ku qabsan lahaayeen Huteel Maansoor oo Ciidanka RRU la dul dhigay,Waxay baaq dheer u dirsadeen Madaxweyne Siilaanyo oo ku sugnaa Ingiriiska, Madaxweynuhu Wuxuu soo gaabiyey safarkiisii isagoo ku soo laabtay Caasimada hargaysa Wuxuu Warbaahinta u sheegay in Xisbiga Kulmiye Tartankiisa loo siman yahay,Wuxuu Xog waran la qaatay labada garab ee Xisbigu u kala fadhiyo waxaana gunaanadkii ka soo baxay in la Mideeyo Gudida qabanqaabada iyo Isku duba ridka Shirka Golaha dhexe.

Waxaa Madaxweyne Siilaanyo Qasrigiisa loogu geeyay Xubno la sheegay inay Yihiin Aqlabiyada Golaha Dhexe ee Beesha Subeer awal oo la shir tagay inay dhisayaan Murashax Muuse Biixi Cabdi,iyagoo Madaxweynaha ka dalbaday inuu ku taageero Mawqifkooda.

Halkay Ciyaartu ka Xumaatay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa si rasmi ah Go’aan Ugu Gaadhay in uu Taageerada Musharraxnimo ee Xisbiga KULMIYE la garab istaago Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Musharraxa Madaxweyne Mujaahid Muuse Biixi Cabdi kadib markii Madaxweyne Siilaanyo arrinkaasi ku war geliyey 8 Xubnood oo ka mid ah Golihiisa Wasiirrada oo Gaar ahaan kuwa ku abtirsada beesha Madaxweynaha oo Isugu Jira Qaar Markii horeba Taageersanaa iyo Kuwo ka soo horjeeday, kuwaasi oo Madaxweyne Siilaanyo si cad ugu sheegay in uu go’aankaasi qaatay loona baahan yahay inay Sidaa kula Shaqeeyaan.

Waxaa hadalka Madaxweynaha ka dhashay Falanqayn Kooban inkastoo la soo Weriyey in Marwada Madaxweynuhu ay Wasiirada ku Tirtirsiisay in Cidii aan Go’aankaas ku shaqayn ay Xukuumadda dibada uga baxdo.

Inta badan Xubnaha Wasiirada ee Kulankaas ka qayb galay ayaa Hawraarsan ku soo dhaweeyay go’aankan hasa yeeshee Wasiirkii Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa Madaxweynaha u sheegay inuu Taladiisa dib ugu soo Celin doono.

Wakhti Kooban kadib waxaa Madasha ka soo Xaadiray Wasiirada laga Hiiliyey Waxay Madaxweynaha ka dalbadeen inuu ka noqdo go’aankaas, Iyagoo Xasuusiyey hadaladii uu Warbaahinta siiyey ee uu ku sheegay in Xisbiga Kulmiye Tartan xalaal ahi ka dhici doono isla markaana uu Qof kasta oo damac lihi uu nasiibkiisa ka qaadi doono,Sidoo kale Waxay Madaxweynaha la Gaadheen inuu Shakhsi ahaantiisu Xor u noqdo oo uu Codkiisa siiyo Murashax Muuse Biixi balse uu Wasiiradda kale ka hor qaado Xujada uu hor dhigay.

Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu ku adkaystay qaraarkaas, Go’aankan Madaxweynuhu ku wargeliyey xubnaha ka tirsan Golihiisa Wasiirrada ee dhinaca kale u janjeedhay ayaa la filayay maalmihii ugu dambeeyey in uu rasmi ahaan u soo shaac baxo taasi oo keenaysa in tartankii kululaa ee xisbigaasi soo af-jarmo maadaama aasaasaha xisbiga KULMIYE oo Madaxweynaha ahi si cad u garab joogsaday mid ka mid ah Musharraxiintii xisbigaasi ku loollamayay.

Sidoo kale Wuxuu go’aankaasi Laf jab ku yahay hannaanka dimuquraadiyadeed ee Somaliland ku dhaqanto Waxay amuurtani soo dedejisay in Tiradii ugu badnayd ee Wasiiro iyo Mas’uuliyiin kale ahi inay iska Casilaan ka sii mid ahaanshaha Xukuumadda Siilaanyo Kuwaas oo kala ahaa Wasiirada Madaxtooyadda,Arrimaha Dibadda, Shaqada, Hawlaha Guud,Cadaaladda iyo Wasiir ku Xigeenada Shaqada,Hawlaha Guud,Dib u dejinta,Ganacsiga,Horumarinta Miyiga,Afhayeenkii Madaxtooyadda Iyo Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Warshadaha.

Fahamka dhaqankan Ugubka ku ah Somaliland iyo aragtidii Madaxweyne Siilaanyo ee Todoba Sanno ka hor hadii la barbar dhigo Waa Kaaf iyo Kala dheeri.

Dabayaaqadii Bishii August ee Sannadkii 2008-dii Waxaa Magaalada Burco ka Furmay Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye Kaas oo Natiijadii ka soo baxday uu Khilaaf ku keenay Xisbiga Kulmiye oo Markaas ahaa Mucaaridka ugu xooganaa ee dalka ka Jiray.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo Markaas ahaa Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye loona doortay Murashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ayaa khudbad uu ka jeediyey xidhitaankii Shirka Golaha Dhexe ee xisbiga uga socdey hotelka Plaza ee

“Waynu malayn karnaa, waa wax iska dabiici ah oo jira oo shir kasta oo la isugu yimaaddo in dad walaalo ah oo damac siyaasadeed ay ku tartami karaan waa loogu talagalay, waa aasaaska siyaasadda, waana taynu doonayno inaynu dalka ku hagno, waana dimuqraadiyadda aynu doonayno inaynu ku tallaabsano xisbi ahaan iyo qaran ahaanba. Haddaynu doonayno inaynu dimuqraadiyad ku tallaabsano oo aynu ku hoggaamino waxa waajib inagu ah inay gudaheenna ka muuqato.”

Axmed Siilaanyo waxa uu intaas ku daray in shirkan Golaha Dhexe iyo Shirweynihii ka horreeyey ee lagu qabtay Hargeysa labadaba ay ka muuqatey dimuqraadiyad. Isaga oo sharraxaya macnaha dimuqraadiyaddana waxa uu yidhi,

“Dimuqraadiyaddana macnaheedu waxa weeye inuu qofku cabiro dareenkiisa, inuu qof waliba la soo baxo hungurigiisa iyo damaciisa, waana mid uu xaq u leeyahay, laakiin, in loo wada dhammaado, laguna hoggaansamo jidka loo jeexay ee dimuqraadiyadda, oo maxay ah? Qofkii doonaya inuu isa soo sharraxo oo damaciisa soo dhigo halkaa, laakiin, u hoggaansamo wixii soo baxa. Ta maanta dhacday waa tii”.

Isku soo wada duubo Waxaa la Xidhay Saaxadii Dimuquraadiyada ee uu Kulmiye ku Faani jiray,Waxay Xaaladu isu bedeshay Anaa la I wataa oo Madaxweynuhu I taageersan yahay Waxaana la saadaalinayaa in Shirka Golaha Dhexe ee Kulmiye aanu ka soo bixi doonin go’aan ka duwan ka haatan dhacay kaas oo saamayn taariikheed ku reebi doona Jiritaanka Xisbiga Kulmiye oo la aaminsan yahay in Hogaamiyihii aasaasay uu Iilka sii dhigay Xili uu taladii dalka weli hayo.

Maxamed Xasan (dalkahooyo2@gmail.com)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here