Diyaarad laga leeyahay dalka Masar oo ku soo dhacday Duleedka Muqdisho iyo waxa ay sido oon la shaacin + Sawiro.

0
426
????????????????????????????????????

Diyaarad laga leeyahay dalka Masar oo ku soo dhacday Duleedka Muqdisho iyo waxa ay sido oon la shaacin + Sawiro.

Muqdisho(Warsugannews)- Diyaaraddii xalay fiidkii shilka ku gashay duleedka Muqdisho ayaa sababta ay u dhacday lagu sheegay shidaal la’aan. Diyaaradda ayaa caguhu u soo bixi waayeen xilliga ay ku soo degaysay madaarka, waxaanay aakhirkii ku degtay jidka Afgooye oo burbur ka soo gaadhay diyaaradda.

Diyaaradan oo nooceedu ahaa Airbus 300 ayaa raasihn u wadday ciidanka AMISOM ee ku sugan Somalia, iyadoo kasoo duushay dalka Masar, waxaana u suuro-geli wayday in ay ku dagto garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo xilligaas xidhnaa.

Agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee Somalia oo u warramayay warbaahinta Hiiraan ayaa sheegay in diyaaraddu ay kusoo beegantay garoonka xilli uu xidhan yahay, shaqaalaha diyaaraddana ay u muuqdeen inay ahaayeen kuwo aan khibrad buuxda oo dhinaca duulimaadyada.

“Garoonka diyaaradaha Muqdisho wuu xidhan yahay laga billaabo 6:00 maqribnimo illaa 6:00 aroornimo, shaqaalaha diyaaradana waxaan ku war-gelinnay in haddii ay soo dagaan aanay duuli karin maadaama ay sharciga garoonka ku xad-gudbeen,” ayuu sheegay agaasimaha waaxda saadaasha hawada ee Soomaaliya. Sidoo kale, agaasimaha ayaa intaas ku daray in diyaarad walba oo magaalada Muqdisho ku soo socota ay haysato warbixinta dhameystiran oo ah in garoonka diyaaradaha Muqdisho uu xidhan yahay habeenkii.

“Dhamaan shaqaalihii diyaaraddan la socday waa la badbaadiyay, waxaanse ka sheegayaa halka inay ahaayeen kuwo aan lahayn khibrad dhanka duulimaadka ah oo ku filan, waayo shidaalka ay wateen ma ahayn mid ku filan,” ayuu yidhi agaasinku.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here