Diyaarad xamuul oo laga leeyahay dalka Turkiga oo ku dul dhacday caasimadda dalka Kyrgyzstan

0
323

Diyaarad nooca xamuulka qaada oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ku dul burburtay xaafad ku taal caasimadda dalka Kyrgzstan ee Bishek, waxaana shilkaasi ku dhintay inka la ogyahay 30 ruux oo u badan dadkii deganaa guryihii ay ku dul dhacday dityaaradda.

Diyaaraddan oo nooceedu uu ahaa Boeng 747 ayaa ka timid dalka Hong Kong, waxa ayna u socotay magaalada Beshek ee caasimadda dalka Kyrgzstan, sida uu qorayo websiteka diiwaanka geliya socdaalka siyaaradaha ee FlightRadar24.

Wasiirka hawada iyo xaaladaha deg-degga ah ee dalkaasi Ubatbek Boronov ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Kyrgystan Kabar Agency in sababta keentay shilka loo badinayo in ay tahay hawada oo wasakheysneyd sababo la xiriira ceeriyaamo xirtay.

Wali ma cadda inta ruux ee saarneyd diyaaradda, balse waxa ay laheyd 10 kursi oo la fariisto iyo labo kursi oo kuwa darawalada ah.

Shirkadda Turkish Airlines ayaa dhankeeda caddeysay in uu shilkaasi jiro, waxa ayna sheegtay in diyaaradda dhacday ay u kireysneyd shirkad xamuulka rarta oo lagu magacaabo ACT Airlines kana diiwaangashan dalka Turkiga.