Diyaaradaha dagaalka Israel oo duqeeyay garoon diyaaradeed oo ku yaal gudaha dalka Suuriya

0
415

Dowladda Suuriya ayaa Israa’iil ku eedeysay duqeyn loo geystay dhanka galbeed ee Dimishiq, waxaana la eegtay xarun ciidan, sida wararka ay sheegayaan. Telefishinka dowladda ayaa laga soo xigtay ciidamada oo dhahaya dhowr madfac ayaa ku dhacay garoonka diyaaradaha.

Weli ma cadda in duqeyntaas la sheegay ay sababtay dhimasho ama dhaawac. Dowladda Israa’iil oo horey loo eedeeyay, marna maysan xaqiijin inay duqeyn ka geysato dalka Suuriya.

Waxaa loo maleynayaa in Israa’iil horey ay u duqeysay shixnado hub ah oo loo waday ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan. Duqeymahaasi badankooda waxay dheceen wixii ka dambeeyay 2011-kii, ka dib markuu dagaalka sokeeye ka bilowday Suuriya.

Xisbullah, oo dagaal kula jirto Israa’iil, ayaa kumannaan dagaal yahan u dirtay Dalka Suuriya, si ay u caawiyaan madaxweyne Bishaar Al-Asad.

Hadaba, Wakaaladda wararka ee dowladda Suuriya SANA, waxay sheegtay in Mezzeh ay ka dheceen qaraxyo waaweyn. Gawaarida gurmadka degdegga ahna meesha ayey u degdegeen.

Militariga Suuriya waxay u digeen Israa;iil oo ay u sheegeen in “weerarka qasadka ah uu reebidoono raad”, Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters.

Bishii December, ciidamada dalka Suuriya waxay sheegeen in diyaaradaha Israa’iil ay duqeeyeen isla garoonkaasi ciidamada.

Xilligaas waxay ku warrameen inuu dab ka kacay dhammaan eelaboorka, balse cidna wax kuma noqon.