Donal Trump Oo Bixiyey Waraysigii Ugu Xasaasinaa, Kana Hadlay Dagaalkii Ciraaq, Dhaqaalaha Carabta Iyo Nukliyeerka Ruushka.

0
460

Madaxweynaha la doortay ee mareykanka Donald Trump ayaa khalad ku tilmaamay dagaalkii lagu qaaday dalka Ciraaq
ee xukunka looga tuuray Saadaam Xuseen, waxa uuna sheegay in dagaalkaasi uu ahaa go’aankii ugu xumaa ee soo mara taariikhda dalka Mareykanka.
Trump oo wareysi siinayay wargeysyo ka soo baxa dalalka Britain iyo Jarmalka ayaa waxa uu sidoo kale sheegay in dalka Jarmalka uu ku khaldanaa in uu albaabada u furo dadka muhaajiriinta ah ee ka soo cararay waddamada ay colaadda ka taagan tahay. Waxa uu sheegay in ay habboonayd in aag nabdoon laga sameeyo gudaha dalka Ciraaq, kharashka arrintaasi ku baxayana ay bixiyaan waddamada Khaliijka Carabta oo uu sheegay in ay haystaan dhaqaale aad u badan oo aysan jirin cid kale oo haysata.
Dhanka kale, Trump waxa uu sheegay in uu doonayo in uu wax ka badalo heshiisyada ganacsiga ku saabsan ee Mareykanku la leeyahay waddamada caalamka, si ganacsiga loogu sinnaado.
Waxa uu intaasi ku daray in uu diyaar u yahay in uu heshiis la galo Ruushka, kaa oo lagu yareynayo hubka niyuukleerka, taa badalkeedana Mareykanka uu xayiraadaha ka qaadi doono xukuumadda Moscow.

Mar uu ka hadlayay arrinta gaashaanbuurta NATO, ayaa Trump waxa uu sheegay in waddamada kale ee xubinta ka ah NATO ay tahay in ay dhaqaalo badan ku bixiyaan gaashaanbuurtani.