Dortmund oo ka hadashay wararka Thomas Tuchel la xiriirinaya Arsenal

0
427

Kooxda Borussia Dortmund ayaa ka hadashay wararka tababare Thomas Tuchel la xiriirinaya kooxda Arsenal oo lagayaabo inuu ka tago Arsene Wenger.

Maamulka kooxda Borussia ayaa hoos u dhigay suurogalnimada Arsenal ay kula wareegi karto dhamaadka xiliciyaareed kan tababarehooda Thomas Tuchel.

Arsenal ayaa baadi goob ugu jirta tababarihii badali lahaa Arsene Wenger oo warar hoose ay sheegayaan inuu go’aansaday inuu ka tago Gunners dhamaadka xiliciyaareed kan.

“Xaqiiqda ayaa ah inuusan nala hadlin shaqsi ka mid ah maamulka Arsenal, waxaan ka hadlaynaa sheeko mala awaal ah” ayuu yiri madaxa fulinta ee kooxda Borussia Hans-Joachim Watzke.

“Maalin ka mid ah bisha May ayaan la fariisan doonaa Tuchel, waxaan ka hadli doonaa xiliciyaareed kan, hal sano ayaa uga hartay qandaraaskiisa halkaan, sidaas darteed ma fami karo sababaha wararkaas”.

Hans-Joachim Watzke 05022005