Dowladda Nigeria oo shaqo siinaysa 200,000 oo shaqaale oo jaamacad dhameeyay

0
349

waaxa qorey yaasir br

Laba boqol oo kun oo qof oo jaamacad ka soo baxay Nigeria ayaa helay fariin taleefoon oo u sheegaysa inay shaqo ka heleen dowladda.
Waa qaybtii ugu horaysay ee la qaato kadib markii dowladda ay balanqaaday waqtigii doorashada, inay shaqo u helayso hal milyan oo qof oo jaamacad ka soo baxay.
Waxay qadaan doonaan boqol dollar bishii.
Xafiiska madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay, in boqol iyo konton kun shaqaalaha ay ku shaqayn doonaan macalinimo, bilaabanaysa bisha danbe.
Soddon kun oo kale ayaa ka shaqayn doona beeraha, inta hartayna waxay ka shaqayn doontaa caafimaadka.