Dowladda Shiinaha oo beenisay arrin taabanaysa iibka AC Milan oo beryahan la isla dhex marayay!

0
324

Muddo yar ka hor waxaa war soo saartay hay’adda dowladda dowladda Shiinaha ugu qaybsan maaraynta wax is dhaafsiga qalaad ee Safe (State Administration of foreign exchange).

Ururkan hoos taga dowladda China ayaa gacanta ku haya maamulka lacagaha maalgelineed ee dibedaha uga baxa Shiinaha wuxuuna ka hadlay war ay beryahan isla dhex maraysay saxaafadda Shiinaha iyo tan caalamka oo khuseeyay in ay Shiinuhu xakamayn doonaan lacagahaasi.

“Waxay dhowaan saxaafadda Shiinuhu faafisay in si wayn aan u xakameeynay oo u xannibnay maalgelinta dibadeed, balse warkaasi waa mid waxba kama jiraan ah.” ayaa lagu yiri war kasoo baxay ururkan SAFE.

”Xafiiskeennu wuxuu taageeraa oo fududeeyaa maalgelinta dibedda isagoo sameeynaya hubin mararka qaarna xanibaad soo roga waase haddii uu dhoco ganacsi sharci darro ah” ayay raaciyeen.

Arrintan ayaa taabanaysay iibka la sugayo ee AC Milan, iyadoo ay saxaafaddu sheegaysay in SES oo ah dallada iibsanaysa AC Milan ay lacago amaah ah kasoo qaadan doonto bankiyo Yurub ku yaalla, balse haatan waxay u muuqataa in ugu yaraan aysan jirin xannibaad lagusoo rogey maalgelinta dibedda.