Dowladda Shiinaha oo ka carootay kulan dhex maray madaxweynaha Taiwan iyo siyaasiyiin Mareykan ah

0
382

Dowlada Shiinaha ayaa sheegtay inay kasoo horjeedo xiriir walba oo dhex mara hogaamiyaasha Taiwan iyo saraakiisha Mareykanka, maalin kadib marki ay haweeneyda madaxweynaha ka ah Jaziirada Taiwan Tsai Ing-wen ay la kulantay senator Ted Cruz iyo gudoomiyaha gobolka Texas Greg Abbott.

Afhayeenka wasaarada arrimaha dibada Shiinaha Lu Kang ayaa u sheegay wariyaasha in dalkiisa uu kasoo horjeedo dhaq-dhaqaaq walba oo faragelin ku ah ama dhaawici kara xiriirka Shiinaha iyo Mareykanka.

Kulanka madaxweynaha Taiwan iyo saraakiisha Mareykanka ayaa ka dhacay magaalada Houston ee dalkan Mareykanka, ka hor inta aysan Mrs. Tsai u amba bixin socdaal ay ku tageyso dalalka Bartamaha America.

Senator Cruz oo warbaahinta la hadlay ka hor inta aysan billaaban wada-hadallada ayaa sheegay in ay dalka Shiinaha ka heleen wax uu ku tilmaamay warqad cajiib ah, taasoo buu yiri ay qunsuliyada Shiinaha ku weydisatay in aysan la kulmin madaxweynaha Taiwan.

Shiinaha ayaa dhamaadkii sanadki hore si weyn u cambaareeyey wadahadallo qadka telefoonka ku dhexmaray madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald trump iyo madaxweynaha Tiawan Tsai Ing-wen.

Shiinaha aya u aqoonsan Taiwan in ay tahay dhul ka tirsan dalka Shiinaha.

Mareykanka ayaa isna u ictiraafsan Taiwan inuu yahay dal ka tirsan dhul weynaha Shiinaha tan iyo sanadkii 1979-kii.