Dugsi loogu Magac-daray Suldaankii Halganka iyo Hub-ka-dhigista oo Hargeysa laga Furay

0
517

Dugsi loogu Magac-daray Suldaankii Halganka iyo Hub-ka-dhigista oo Hargeysa laga Furay

Hargeysa, Sabti, September 2, 2016, (WSN) – Dugsi sare oo cusub oo loogu magac-daray suldaankii nabadaynta iyo hub-ka-dhigista Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Faarax ayaa Khamiistii toddobaadkan laga furay xaafadda masallaha ee magaalada Hargeysa.

Dugsigan oo uu si rasmi xadhigga uga jaray Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane ayaa waxa munaasibaddii daahfurkiisa ka soo qaybgalay Salaaaddiin, Culaam’uddiin, Ganacsato, Madax ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada iyo mudan kale oo aad u tiro badan.

Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Md. Cabdillaahi Ibraahin Xaaji Xasan oo ugu horrayn madasha ka hadlay ayaa ka warramay maraaxilkii kala duwanaa ee loo soo maray hirgalinta dugsigan, isaga oo xusay in kaalinta ugu mudan ka qaatay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Md. Habbane.

Guddoomiyaha guddida horumarinta deegaannada Hawd iyo Hargeysa ee Afgarad Md. Maxamed Warsame oo isaguna ka hadlay munaasibaddan ayaa ballanqaaday in uu dugsigan ka hirgalin doono dhismaha goobta wax-akhriska (Library), isla markaana keeni doono guud ahaan buugaagta looga baahan yahay.

Sheekh Aadan X. Maxamuud Xiirey “Aadan-Siiro” ayaa ka warramay qiimaha ay tacliintu u leedahay dhismaha mujtamaca, waxaanu yidhi: “Suldaanku waa dadka laabtayada ku xardhan, dadkii ugu magac-daray dugsiganna aad ayaan ugu mahad celinayaa, halkan umaannu iman inaannu ka hadalno oo kaliya, marka aannu tashanno Suldaan Cumar Suldaan Maxamed wixii uu nagu xukumo diyaar ayaannu u nahay inaannu kaga qayb galno dhammaystirka dugsigan.”

Khadar Aadan Xuseen “Khadar-Ambassador” ayaa ku nuuxnuuxsaday kaalintii uu Sul. Maxamed kaga jiray nabadaynta iyo dibudhiska qaran ee Somaliland, isaga oo ballanqaaday inuu si weyn u gacan-qaban doono dugsigan oo ku yaalla xaafadda Masallaha ee Huteel Ambassador.

Maamulaha dugsiyada Nuuraddiin Md. Mahad Ibraahin ayaa isaguna ballanqaaday inuu hiil iyo hoo-ba ku taageeri doono sidii uu u taabbagali lahaa dugsigan cusub ee Sul. Maxamed Sul. Faarax, isla markaana uu mataanayn doono dugsiyada Nuuraddiin iyo Dugsiga Sul. Maxamed Sul. Faarax.

“Go’aankayagu waxa uu yahay in aanaan wixii agab waxbarasho ah waxba kala hadhin, wixii tabarrucaad ah ee la xidhiidha dhammaystirka dugsiga iyo wixii kale ee laga qabanayaba diyaar ayaannu u nahay inaannu ka qayb galno” ayuu yidhi Mahad Ibraahim, maamulaha iyo mulkiilaha dugsiyada Nuuraddiin.

Sul. Cumar Sul. Maxamed Sul. Faarax ayaa isaguna tilmaamay baahida uu deegaanka masalluhu u qabay dugsi sare, isaga oo u mahadnaqay Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo uu sheegay inaanu la’aantii dugsigani hirgaleen.

“Waxaan u soo jeedinayaa bulshada magaalada Hargeysa deggan ee shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay iyo ganacsataduba inay ka qayb galaan wixii horumar iyo dhisme ah ee dalku leeyahay ee manaafacaad leh sida cusbitaallada iyo dugsiyada” ayuu yidhi Sul. Cumar Sul. Maxamed.

Sul. Xasan Sul. Cabdillaahi Sul. Cabdiraxmaan oo isaguna madasha ka hadlay ayaa ka sheekeeyay tilmaamihii taariikhda galay iyo sifooyinkii wanaagsanaa ee Sul. Maxamed ku astaysnaa.
“Farxad bay ii tahay inaan maanta ka soo qaybgalay dugsigan loogu magac-daray Sul. Maxamed Sul. Faarax oo xus innagu leh, oo xusuus innagu leh, oo xaqdhawr innagu leh” ayuu yidhi Sul. Xasan, isaga oo sheegay inuu dugsigani yahay kii ugu horreeyay ee Suldaan loogu magac-daray.

Gebogabadii waxa madasha ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Md. Cabdillaahi Ibraahim Habbane, waxaanu sheegay in dugsigan sare ee laga hirgaliyay degmada 31-ka May ay gali doonaan ardayda sannadkan ka baxday fasallada 8-aad ee dugsiyada Cali Jaamac iyo Faadumo Biixi.

“Waxaannu doonaynaa in ardaydaasi ay hesho maamul iyo macallimiin waxtar leh oo tusaale u noqda bulshada kale ee aynnu doonaynno inaynnu keenno” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxa kale oo aynnu doonaynaa inaynnu dugsiga ballaadhinno, deyrna u samaynno”.

“AHN Suldaan Maxamed nabadda tolliinkeedii ayuu kow ka ahaa, waxa kale oo uu laba ka ahaa hub ka dhigistii, waxa uu saddex ka ahaa doorkii uu ku lahaa shirarkii ka dhacay Boorama iyo Hargeysa. Sidaas darteed ayaannu suldaanka ku maamuusnay inaannu magaca dugsigan ka dhigno dugsi taariikhi ah oo ka qayb gala horumarka iyo nabadda Somaliland” ayuu yidhi Wasiir Habbane oo ka hadlayay sababaha ay magacan ugu dooreen dugsiga.

Ugu dambayntii, ururka Sancaani Foundation ayaa shahaado-sharaf ka maamuusay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, iyaga oo sheegay inuu ku mutaystay dedaallada uu muujiyay muddadii uu hoggaaminayay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland.