Dur-duraddii qaybta labaad iyo Duufaantii Everton ee Sunderland

0
534

Dur-duraddii qaybta labaad iyo Duufaantii Everton ee Sunderland

Hargeysa(Warsugannews)Kooxda Everton ayaa dhulka la dhacday oo siday doonto ugu gal-galatay kooxda Sunderland oo marti u ahayd ciyaar qaybtii dambe la kala badiyey oo labada naadi ku dhex martay geggida Goodison Park.Everton Oo Daad Ku Fatahisay Sunderland –
Ciyaaryahan Arouna Kone ayaa saddex gool oo yaab leh shabaqa daad kaga dhigay kuwaas oo ka caawiyey kooxdiisu inay sida mahiigaanka nasashadii kadib bacaadka ku wadho kooxda daalaa dhacaysa xaalkuna ku xun yahay ee Sunderland

Everton ayaa hogaanka ciyaarta ku qabatay laba gool oo ay u kala dhaliyeen xidigeheeda Gerard Deulofeu iyo Kone.

Laakiin, Sunderland ayaa kala daba timid oo labadii goolba iska soo beddey kuwaas oo ay u kala saxeexeen Jermain Defoe iyo Steven Fletcher.Everton Oo Daad Ku Fatahisay Sunderland – 1

Waxaase mucjiso noqotay in qaybtii dambe ay Everton la timaado afar gool oo dheeraad ah, kuwaas oo shiiqiyey, yaabna ay dhabanada la saarteen ciyaaryahanada Sunderland, waxaana goolasha afarta ah magacyadooda ku qoray, marka laga reebo mid ciyaaryahan Sebastian Coates uu isla kooxdiisa lagu naanayso bisada madow ka dhaliyey, Romelu Lukaku iyo Kone oo laba dambe oo uu dhaliyey saddexlay kaga dhigay goolasha uu kulanka ka dhaliyey kalidii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here