Edinson Cavani oo ugu danbayntii sheegay inuu ku faraxsanyahay booskii uu u baneeyay Zlatan

0
568

waaxa qorya yaasir br

Weerar yahanka kooxda PSG Edinson Cavani ayaa ka hadlay booskii uu u baneeyay weerar yahanka haatan u ciyaara Man United ee Zlatan Ibrahimovic.

Edinson Cavani ayaa lala xiriiriyay xiliciyaareedkii hore inuu katagi doono kooxda reer France kadib markii laga diiday dalabkiisa ahaa inuu ka ciyaaro booska weerar yahanka tooska ah oo xiligaas uu ka ciyaarayay Zlatan.

Cavani oo waraysi gaar ah siiyay Le Parisien ayaa yiri:

“Waan faraxsanahay waayo waxaan ka ciyaarayaa booskayga, inkasta oo sidoo kale aan faraxsanaa xiliciyaareedkii hore markii aan ku guulaystay koobab, hadaladii la iga yiri waqtigaas ma ahayn kuwo cadaalad ah”.

“Marwalba waxaan ixtiraamayay go’aanka tababarihii hore ee Blanc, waxaa joogay laacib wayn oo igu haystay booskayga waana Ibra, inbadan ayaan jeclahay PSG”.

“Waxaan doonayay inaan ka ciyaaro weerar yahan toos ah, dhamaadka xiliciyaareedkii hore ayaan la kulmay maamulka kooxda waxayna ii sheegeen inaan ka ciyaari doono weerarka tooska ah, wixii ka danbeeyayna waan faraxsanaa”.