Eng Maxamed Xaashi Oo Soo Jeediyay In Hay’addaha Caalamiga Ah Lagu Caddaadiyo Aqbalista Somaliland

0
706

Eng Maxamed Xaashi Oo Soo Jeediyay In Hay’addaha Caalamiga Ah Lagu Caddaadiyo Aqbalista Somaliland

Hargeysa(Warsugan) Eng Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirkii hore ee maaliyadda ayaa soo jeediyay in hay’addaha caalamiga ah ee dalka jooga culays lagu saaro sidii ay u aqbali lahaayeen Somaliland, haddii kalena Waddanka laga saaro. Waxa uu sheegay in hay’addahaasi Somaliland ku joogaan magaca Somalia maadaama aanay Somaliland beesha caalamka ka helin citiraaf.
Mujaahid Maxamed Xaashi oo xukumadda Siilaanyo ka soo qabtay jagada culus ee wasaaradda maaliyadda ayaa rumaysan in hay’adduhu dan ku qabaan Somaliland, sidoo kalena Somaliland ka maarmi karto “Hay’addaha Hargeysa ku degan magacii Somalia, waxay duudsiyayaan xaqeena, waxaan leenahay idinka yeeli maynee magaca Somaliland ku jooga ama naga baxa,” ayuu yidhi Maxamd Xaashi.

Isagoo sii hadlaya ayuu sheegay inay haboon tahay in Somaliland ku adkaysato bixitaanka hay’addaha haddiiba ay aqbali waayaan magaca Somaliland “Waynu ku adkaysan inay inaga baxaan haddaanay magaca Somaliland ku joogayn, inaga Somalia la inama yidhaa, dagaal baynu u soo gallay, dad baa inagaga dhintay, magaalooyin baa inagaga dumay, waxaynu aqbali karno maaha,” ayuu yidhi Maxamed Xaashi.

Eng Maxamed Xaashi, ayaa intaasi raaciyay in hay’addaha caalamiga ahi caado u leeyihiin burburinta nabadda “Ha isu sheegeen arrintaas hadday doonayaan inay inala joogaan, laakiin waxay caado u leeyihiin meesha nabadi ka jirtaba inay burburiyaan,,markaa waxaanu leenahay ama magaca Somaliland nagula jooga ama naga guura,” ayuu yidhi Maxamed Xaashi.
Dawladda Somaliland ayaa dhawaan ka gaws adaygtay dalabaadka dalalka isku magacaabay beesha caalamka, kuwaasi oo kaalmo ka gaysta doorashooyinka, islamarkaana damcay inay kaalin ku yeeshaan qabashada doorashada, kana soo horjeestay kala qaadista doorashada.Dawladda ayaa meel marisay go’aankeeda taas oo la sheegay in dalalkaasi aar goosi ka dhigeen dhimista kharashaadkii doorashooyinka, siiba tan wakiillada ee dib loo dhigay, waxaanay dawladdu sheegtay inay kafaalo qaadayso kharashka doorashada ee beesha caalamku ka baxday.

Xigasho Wargeyska Warsugan