EPL: Kooxda Chelsea oo Man City guul soo laabasho kaga soo gaartay garoonka Etihad hoggaanka horyaalkana dheereysatay, kulan dhammaadkii labo casaan loo taagay City

0
355

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa guul soo laabasho ah garoonka Etihad oo ay booqatay kaga soo gaartay Manchester City, waxaana ay hoggaanka u dheereysatay horyaalka Premier League, iyadoo labo kaas oo casaas ah loo taagay Man City dhammaadkii kulankan.

Man City ayaa goolka koowaad la timid dhammaadkii qeybtii hore waxaana uu ahaa gool uu iska dhaliyey 45’daqiiqo kabtanka Chelsea ee Gary Cahill, kaddib karoos uu dadab ka soo qaaday Jesus Navas, sidaas ayaana lagu kala nastay 1-0 ay ku gacan sarreysay kooxda martida loo ahaa ee Sky Blues, inkastoo City ay qeybta hore ku andacoodeen in laga diiday labo rigoore.

Qeybtii labaad ee kulankan markii dib la isugu soo laabtay ayay Man City dhowr fursadood oo gool noqon karay heleen, iyadoo Kevin de Bruyne uu mar goosha oo furan biraha u garaacay Blues, iyadoo haddii uu dhalin lahaa goolkaas ciyaarta ku hogaamin lahayd 2-0, laakiin ma dhicin.

Chelsea ayaa fursaddeeda ka faa’iideysatay, waxaana Cesc Fabregas oo kulanka lagu soo bilaabay uu kubbad karoos ah u dhiibay Diego Costa, kaasoo 60’daqiiqo shabaqa Man City gaarsiiyey, kulanka ayaana sidaas ku noqday barbaro 1-1.

Kooxda Chelsea oo ka faa’iidaysanaysa kubadaheeda daba mareynta ah ayaa hoggaanka u qabatay kulankan, waxaana kubbad baas dhex bixis ah ahayd oo uu Diego Costa siiyey 70’daqiiqo waxaa goolhayaha Man City dhinac ka dhigay Willian, kulanka ayaana sidaas ku noqday 2-1 ay ku gacan sarreysay Blues.

Mar kale Chelsea ayaa ka faa’iidaysatay fursad kale oo daba maraynta ah, waxaana kubbad uu soo tuuray Marcos Alonso, ka faa’iidaystay oo dhaliyey 90’daiiqo Eden Hazard, sidaas ayeyna Chelsea oo joogtay garoonka Etihad ay ciyaarta ku hoggaamisay 3-1.

Daqiiqadihii ciyaarta lagu daray oo ahaa 6’daqiiqo intii lagu jiray Sergio Aguero iyo Fernandinho oo dagaal iyo gacan ka hadal sameeyey ayaa kaararka cas oo tooska ah loo taagay, garoonkana laga saaray kulankan, ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay 3-1 ay ku adkaatay Blues oo marti ahayd.

Chelsea ayaa hadda hoggaanka horyaalka Premier League dheereysatay, waxaana ay ku haysaa 34-dhibcood, kaddib siddeed guulo oo xiriir ah oo ay gaartay