ERDOGAN WUXUU SOMALILAND ULA DHAQMAYAA SIDA KURDIYIINTA

0
384

ERDOGAN WUXUU SOMALILAND ULA DHAQMAYAA SIDA KURDIYIINTA

Waannu ku faraxsannahay wax kasta oo u soo kordha shacabka Soomaaliya, waan soo dhoweynaynaa in Erdogan Madaxweynaha Turkigu uu booqdo magaalada Muqdisho markii saddexaad, waanuna soo dhoweynaynaa mashaariicda horumarineed ee uu ka fulinayo Turkigu magaalada Muqdisho, hase ahaatee dawladda Turkiga gaar ahaan Madaxweyne Erdogan iyo saraakiishiisa u qaabilsan arrimaha Debedda waxaan uga fadhinaa inay jawaabahan na siiyaan.

Turkigu waxay cilaaqaad taariikheed uu la lahaa Soomaalida gaar ahaan Somaliland, waana goobaha fadhiisinka u ahaa wakiilladii metelayey dawladihii Islaamiga ah ee fadhigoodu ahaa dalka Turkiga, sidoo kale dad asalkoodu yahay Turki oo Soomaaliyoobay ayaa laga helayaa dhulka Somaliland, ama goobo taariikhi ah oo marag cad u ah xidhiidhkii xoogganaa ee Turkiga iyo Somaliland hase ahaatee Xukuumadda Turkiga haatan hoggaamisaa taariikhdaas way garab martay waxayna qoraysaa taariikh cusub iyo xidhiidh cusub, Erdogan iyo Kooxdiisa waxaan weydiin lahaa Xidhiidhka Turkigu la lahaa Somaliland iyo kan cusub ee uu Soomaaliya haatan la yeelanayo iyamaa qadiimsanaa? mise waa Taariikh Cusub oo la jaanqaadaysa Nidaamka Hoggaamineed ee Dhiigga Cusub ee haatan ka jira Muqdisho?

Turkigu oo tixraacaya taariikh qadiim ah oo qaybteed ay tahay Somaliland ayuu haddana Xamar ku abaalmariyey $2 Milyan oo dollar bil walba ah oo ku baxda miisaaniyadda Muqdisho lagu bixiyo, sidoo kale wuxuu ka furtay Safaaraddiisa ugu weyn Caalamka, Cusbitaallo aad u waaweyn, Garoonkii oo uu casriyeeyey, magaaladii Muqdisho oo uu waddooyinkii iyo laydhadhkii u dhisay, gaadiid kala duwan oo uu ugu deeqay, Dekeddii oo uu caawiyey, Guryo badan oo uu u dhisay iwm. haddana Turkigu wuxuu leeyahay Soomaaliland iyo Somaliya dhex ayaan u ahay, bal adigu isu geeyoo Madaxweyne Erdogan waxaad weydiisaa cadaaladda dhexdhexaadnimadaasi halkay ku qoran tahay?

Intaasba ka gudub, Turkiga waxaa iridaha loo furay ardayda Soomaalida ah, 75% wuxuu ardayda uu siiyo waxbarashada bilaashka ah ka qaataa Muqdisho, Tababaro hay’adaha dawladda uu bixiyo 90% wuxuu siiyaa dawladda Soomaaliya, Haddana waa cadaalad sidaasi, Madaxweyne Erdogan waxaad ii weydiisaan Cadaaladdaasi nooca ay u ekaan karto.

Waxaaba ugu daran, Dawladda Turkigu waxay tababar xooggan siisaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya, kuwa Badda, iyo xattaa kuwa Cirka ee soomaaliya, intaas waxaa dheer Qalab milateri, Xerooyin Milateri, Hub iyo gaadiidba way ugu deeqaan dawladda Soomaaliya, haddana Madaxweyne Erdogan wuxuu shacabka Somaliland u sheegayaa inuu dhex u yahay Somaliland iyo Soomaaliya oo uu doonayo inuu wadahadalkooda daacad ka noqdo.

Ninkii diida Sinnaantaada, adna diid sarrayntiisa … Sidaas awgeed haddii Turkigu Somaliland u diiday inuu simo labada walaalaha ah ee Soomaaliyeed ee Somalilnad iyo Somaliya, Shacabka Somaliland ma aqbali doonaan in Turkigu uu faraha la soo galo siyaasadda Somaliland, Shacabka Somaliland waxay fariin cad ugu sheegayaan Turkiga inaanay raalli ka ahayn inay xarun u sii ahaadaan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Shacabka Somaliland waxay aad uga xun yihiin sida Turkigu ula dhaqmo dadka Kurdiyiinta ah isla markaana in xuquuqdooda laga hor istaago ay ku noqon karaan qaran jira, haddii Turkigu uu sii wado xulafaysiga uu la leeyahay dawladda Soomaaliya ee ka soo horjeedda maslaxadda shacabkayaga, Shacabka Somaliland waxay ku khasbanaanayaan inay iyana xidhiidh dhow la yeeshaan dadka Kurdiyiinta ah isla markaana caalamka kala shaqeeyaan in debedda la keeno tacadiyada la haysto ama kuwii loo geystay Armenia.

Shacabka Somaliland waxay diidi doonaan dano kasta oo Turkigu leeyahay, annaga oo laabta ku qoran doonna tabashada aanu qabno.

Dareenka Shacabka Somaliland oo ku socda Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ku taalla iyo Qunsuliyadda Hargeisa ka furan.

hornpress@gmail.com