Ereygii Seed odhaahda hirgashay iyo himilada hoga gashay

0
709

Ereygii Seed odhaahda hirgashay iyo himilada hoga gashay
———————————————————-
“Anigu reer ahaan gobolka anagaa ugu yar reerka balse ma doonayo in la igu doorto reer iyo qabiil ee waxaan ku socdaa han himilo hiigsi fikir iyo wax qabad oo aan doonayaa in la igu doorto mana aaminsani in reer ahaan wax lagu qabankaro”
Waa odhaah aan xasuustay tiroba dhawr jeer oo aanu kulanay G/xigeen Axmed Muumin Seed runtii waxaa muuqata qabyaalad lagu iimaan beelay
‘Muuqaalka seed wuxuu ila ahaa nin daal diif iyo dhabar adayg badani ka muuqato kolka uu sidaa leeyahay
Waxan iswaydiiyay tolow xiligan malagudooran shakhsi barnaamijkiisa hiigsi iyo himilada wax qabad ee uu ku tartamayo? Jawaabta oo maanta iisoo baxday ayaa ah waa lagu doorankaraa balse in la aamino ayaa ka horraysa lagana quusto qardhaasta duuduuban ee cududda bidix ku xidhan (العصبية)
In qofka halgankiisa la khasaariyaa maaha arin sahlan
“Wuxu haystaa in kabadan 70% goobaha codbixinta gobolada awdal iyo selel
Waa hal hayska olole
Maxamed cali cabdi iyo odhaahdiisa aaminsiinta tirada reernimo
Waa odhaahdii timi hadda iyo jawaabtii aan sugayay mar kale iyo isla qodobkaas oo lagu celiyay tirada celceliskana lasii kordhiyay ayaa u qornaa sidan
“Waxa hubaal ah in uu yahay nin keenikara in kabadan codka gobolada awdal iyo selel 85% codbixiyeyaasha gariirkii kabaxay siyaasadda ayaad moodaa inay mar kale qaboojinayaan habdhaqanka soo gadaal baxay iyo balan furyada saami qaybsiga lagagasoo rogmaday xisbiyadii kale kuwii hore iyo xooga shacabka baadidoonka ahaa isla markaana ku hungoobey biyo degii lagu qulqulay
Waxaan xaasuustay ereyo kamid ahaa gabaygii guba iyo faylasoofkii gabyaaga Qamaan bulxan yuusuf
“Baadida ninbaa kula daydaya daalna kaa badane
“Aan doonahayn inad heshona daayin abidkaaye
“Dadkuna moodi duul wada dhashay oon wax u dahsoonayne
“Dallo malaha aakhiro hadii loo kitaab dayo
Hadalo badan oo ay iska dhegotirayeen dadyawga isbedeldoonka ahi ayaa maanta hortimi aamusnaan
“Anigoo ka qajilay ereyga magacdhebidda ayaan iswaydiiyay
Miyaan laga maarmi karin
“Anigoo ah guddoomiyihii xisbiga waxaan maanta ka kacayaa kursigii xisbiga ee guddoomiyenimo anigoo kusoo dhawaynaya beesha hawd! Sidee kulatahay ma beelo hagbad wada galay mise maamul iyo baadidoon dawladeed?
Waxaan dib u xasuustay tuduc gabay uu lahaa indheergarad Cabdirisaaq Hero
“Hagbed beelo ay wadagaleen beledku soow maaha

Qalinka
Abdijibaar Aaden Gaas