FAALLO: Guumaysiga Qabow Ee Itoobiya iyo War la’aanta Shacabka Somaliland (W/Q: Hamse Bashe Wiyeer)

0
441

FAALLO: Guumaysiga Qabow Ee Itoobiya iyo War la’aanta Shacabka Somaliland (W/Q: Hamse Bashe Wiyeer)

Waan idin Nabdaadshay Dhamaan akhristayaasha sharafta iga muddanow, Qoraalkan kooban waxaan kaga Hadli doonaa Dulucda Mawduucan dusha sare ku xardhan ee “Taag-taagsiga itoobiya iyo Hoos u foorarka Somaliland” oo ka hadlaaya Xaalad dhab ah oo dhawaanahan ka jirtay guud ahaan xuduudada Somaliland la wadaagto dalka itoobiya.
Runtii waxaa aan cidnaba ka qarsooneyn, kalsooni darada, cuqdada, iyo calool xumada jidh nacaybka ah ee dawlada Itoobiya u qabto dadka iyo dalka Somaliland, waxaan cidna dafiri Karin iyada oo tirado badan oo kamid ah muwadiniinta Somaliland ay ku noolyihiin dhulal badan oo dhaafsan xadka Somaliland, isla markaana ku dhexyaal gudaha Itoobiya, Haddaba cuqdada iyo jaahilnimada dawlada iyo dadka itoobiya kula dhaqmaan Dadka Somaliland ayaa dhawaanahan cidnaba ka qarsooneyn.

XIDH XIDHKA DADKA SOMALILAND EE ITOOBIYA:
Waxaa guud ahaan Itoobiya lugu xidhay sanadkan ugu dambeeyey dad muwadiniin somalilanders ah oo dadkoodu ku dhaqanyahay degaano ku dhexyaal itoobiya laakiin dadku ay yihiin somalilanders. Dadkan la Xidh xidhaayo ayaa waxaa loogu soo marmarsoonayaa in kaadhadhka dhalashada “Mustawqe” ay sitaan aanu shaqaynahayn, Halka dad badan oo sita “Visa” itoobiyaan ah oo ay bixisay safaarada itoobiya ee kutaal hargeysa lugu xidhxidhay jigjiga, Waxaan iska cad in dadka la xidh xidhaayo ay ka bilaabmato xafiiska itoobiya ee kuyaal Hargeysa, kaas oo hab maamuleedka shaqadiisu aanu ahayn mid si ixtiraam leh u gudanaaya, Isla markaana Inta niman yar yar oo itoobiyaan ah la keenay sida ay rabaan u yeelaya dadka ay ku dhex dhaqanyihiin, Taas oo ilaa Hadda aanay jirin dawlada ama maamul wax ka qabtay.

XIDHIDA XUDUUDKA LABADA DAL
Waxaan cidnaba ka qarsooneyn in sanad walba itoobiya inta baddan ay xidho xuduudaha ay la leedahay Somaliland, iyada oo aan wax sabab ah oo ay ku xidhay jirin, Isla markaana waxaa ayaan darro ah in Masuuliyiinta Somaliland ay ka hadli kari waayeen ciidanka lasoo tubay toga-wajaale iyo Xuduudka baligubadle, Kaas oo hadal la’aan qofkii kasoo gudba si toos ah loo dhaadhicinaayo, badeecadna hadalkeedaba daa’aa.

Bal fiiri dhanka Somaliland, itoobiya waxay berbera bil walba ka rarartaa tiro badan oo koontiiinaro aan la aqoon waxa ku jira, Isla markaana waxay maamushaa xuduudka inoo dhexeeya oo Somaliland marnaba kama xidhan karto, Halkaas waxaad ka garanaysaa in Ay Somaliland uun iska xidheen laakiin ay dhankooda ka furanayahay, Bal fiiri ayaan darida ku habsatey madaxdeenii mee wasiirkii arimaha dibadu, kii arimaha guduhu meeday madaxtooyadii qaranku Maxay uga aamusaysaa Xaladan cakiran ee Cuqdadeysan ee Dawlada Itoobiya kula dhaqmayso shacabka iyo dadka degaan ahaan Dega itoobia laakin ah muwadiniin Somalilanders ah.

Haddii Xaladan lugu jiro, Nasiib xumo dalkan iyo dadkanba waxay u gacan geli doonaan guumeyste weyn oo siyaasad qaboow, Isla markaana Madaxda Maantu waxay Taariikhada ka geli doonaan Meel madow, waxayna noqon doonaan lugu shaqaystayaal itoobiya ka amar qaata, Dadku wey ka gadoodi xaaladan maanta jirta hadii ay sii socoto, Somaliland ma maamuli karto qoxoontiga itoobiyaanka ah, ee sida aamin nimada leh u dhex mushaaxaya gobaladeeda, isla markaana Malahayga aan is idhi waxaa ku jira Basaasiin iyo Dhar cad itoobiya u shaqeeya.

Gebo gebadii aynu ka baxno Bustahan qoyen ee ina saaran, aynu kor u toosno oo foorarkan aynu ka hinqano, aynu u mayal adagno cadaawada ay inugu hayso itoobiya, oo aynu u hiilino shacabka muwadiniinta ah ee dhiban, oo aynu yeelano awood aynu itoobiya ugu kordhino cashuurta dekada berera, aynu yeelano awood aynu cashuuro badan ka qaadno sharkaddaha xidhiidhka la leh itoobiya ee insoo waaridda kumanaanka tan ee qaadka ah, oo aynu xadidno xadka lacagta qaydhin ee sidda tooska ah maalin kasta inooga gasha itoobiya.