Faallo: Kullankii MASALAHA Hargaysa Iyo Wajiyadda Qarsoon! Qeybtii 2-aad W/Q: Mohamed Hassan Daacad‏

0
818

-Xisbigga UCID oo ah Xisbigga Beelaha Koonfurta Hargaysa iyo deegaanka Sallaxley taageeradda ugu badan ku lahaa,ayaa hadda u muuqda qaar aan sidii hore ula-dhacsanayn marxaladda uu hadda ku sugan-yahay,waxaanay intooda badani kuu sheegayaan in haddii hogaanka Xisbigga wax-laga bedeli lahaa ay suuragal-ahaan-lahayd inuu ku guulaysto Doorashooyinkii dalka ka qabsoomay iyo kuwa soo socda,balse aannay taasi hadda muuqan,Xisbiggina uu noqday mid hal shaqsi u xidhan oo uu leeyahay dhamaan go’aamadda jaan-goyneed ee Siyaasadda Xisbigga guddo iyo dibadba.

Maxaa Wakhtiggan Kusoo Beegay Shirkan?

Waxa jira dhawr sababood oo is-barkan oo shirkan xiliggan xiiso gaar ah u yeelaya,waxaana ugu muhiimsan Marxaladda Siyaasaddeed ee Somaliland kusoo fool leh,gaar ahaana Doorashooyinka la-qorsheeyay inay dalka ka qabsoomaan horaanta sannadka soo socda ee 2017-ka.

Sabab kale,ayaa iyana in hoosta laga xariiqo u-baahan,taas oo ah,Is-bahaysiyadda Siyaasaddeed ee sababta u noqday in Xisbigga KULMIYE taladda dalka ku guulaysto,waxaanay talabaddaasi sooc-ka-dhigtay deegaammo badan oo ay ku jiraan Beelaha Koonfurta Hargaysa iyo Galbeedka BURCO oo isu-arkay qaar aan waxba ku lahayn Xukuumaddii ka dhalatay Xisbigga KULMIYE,waxaanay marar badan ka cawdeen in qaar ka tirsan Wasiiradda haya Wasaaraddaha muhiimka ah ee Qaranka ay Mashaariic deegaamaysan ku fuliyaan Hantiddii la-wada-lahaa,waxaana si cad usoo shaac-baxday in loo kala dheereeyay guud ahaanba Dhulkii Hantidda Dawladda oo siyaasadda lagu bixiyayna ay ku salaysnayd Isbahaysiyadda Siyaasadeed ee Xukuumadda ku midoobay,waxaana wax iska caaddi ah noqotay in la-arko Siyaasiyiin iyo shaqsiyaad af-beeleed ku hadlaya oo markii hore ay adkayd in Fagaare lala-yimaaddo.Dhacdooyin badan,ayaa dalka u dhacay intii ay Xukuumaddu jirtay,kuwaas oo loo arkayay tallaabooyin ay qaadayaan xulufo ay danno-gaar ah waddaaga,taas oo meesha ka saaraysa wax-wada-lahaanshiyihii.

Guud ahaanba waxa loo arkay inay Siyaasadda Somaliland ay muhiim u in la-samaysto Xulafo Siyaasaddeed,si loo gaadho kursigga dalka looga arrimiyo.

Doorka Siyaasiyiinta Reer SALLAXLEY ee Shirka?

Waxa iska cad kaalinta muuqata ee ay shirkan iyo suuragalintiisaba ay ku leeyihiin Siyaasiyiinta reer SALLAXLEY,waxaanay inta badan Siyaasadd-ahaan si weyn u-kala fog-yihiin Guddoomiyaha Xisbigga Mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe,waana siyaasiyiin Mucaarad ah oo aan la-dhacsanayn Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne SIILAANYO,Waxaanay marar badan dhaliileen Majaraha ay Xukuumaddu dalka ku hagayso wakhti xaadirkan,taas oo aanay intooda badanni laba gaban.

Siyaasiyiintan,ayaa waxaynu kasoo qaadanaynaa labbo Nin oo ka mid ah,kuwaas oo lagu tiriyo Siyaasiyiin Miisaan Culus ku leh Beelaha ay kasoo jeedaan,waana Cali-Sanyare iyo Ismaaciil Buubaa.

Labaddan Siyaasi,waxay ciyaarta socota ku leeyihiin kaallin bilaw iyo dhamaadba ah,waxaanay yihiin Siyaasiyiin si weyn looggu guuxo aragtidooda siyaasaddeed iyo odoroska Mustaqabalka Dal iyo Deegaanba. Waa labbo siyaasi oo leh khibrad Siyaasaddeed oo muddo-dheer ah.Waxay La-Lod-yihiin Madaxweyne SIILAANYO siyaasad-ahaan,waxay xadhigga ka xidhayaan meel dheer oo Siyaasiyiinta haatan saddexda Xisbi hogaamiya ee Madaxtinimadda u-ordayaa ay dad badan qabaan in aanay gaadhsiis-nayn.

Maxaa Kasoo Bixi Kara Shirkan?

Labbo qodob-ba waa suura-gal; In lagu guulaysto qorshaha fog ee laga leeyahay shirkan iyo in uu noqda uun isku-day aan lagu gaadhin halkii la-rabay.Haddii Qorshaha hore uu guulaysto waxa iska cad inay taasi wax weyn oo muuqda ka bedelayso xaaladda guud ee dhaqan-dhaqaale,Siyaasaddeed iyo xulafo ee Somaliland,waxaanay saaxadda kusoo biirinaysaa Cudud xoogan oo dar-dar leh,taas ay u-badan tahay inay Guullo wax-ku-ool ah kasoo hooyaan Loolanka Siyaasaddeed ee Somaliland kusoo fool leh sannadka 2017-ka sida uu qorshuhu yahay,waxaanay Xulafaddaasi kusii jiri kartaa ama ku baa’bi kartaa hadba sida ay u-maamulaan shaqsiyaadka middida daabkeeda haya.Marka aad la-sheekaysato dadka haatan qorshan gacanta ku haya,waxay kuu sheegayaan in kalsoonni buuxda ku qabaan in Shirkaasi midho-dhalo,waxaanay intaas ku darayaan inay ka feejigan-yihiin isku-day kasta oo la-rabo in lagu dhiciseeyo Qorshahooda.

Yaa Diiddan Shirkan?

Labbo ayaynu u kala qaadaynaa dadka sida weyn uga soo horjeedda qorshan culus ee saaxadda kusoo biiray,waxaanay kala yihiin; Shaqsiyaad iyo Madax kasoo jeeda mid ka mid ah Labbada beelood ee kullanku dhex-maray. Qolladda Labaadna waa Xukuumadda taladda haysa oo iyaddu ku dhisan is-bahaysi kan hadda la-waddo la mid ah oo dhex-maray Beellaha Barigga BURCO Iyo Galbeedka HARGAYSA.

Madaxda kasoo jeeda Koonfurta Hargaysa ee arrintan sida weyn u diidan,waxa ugu horeeya guddoomiyaha Xisbigga UCID,ENG.Faysal Cali Waraabe,waxaana uu aaminsan-yahay inay talaabaddaasi gogosha u xaadhayso inuu kursigga Madaxweyne-nimmo ku guulaysto gudoomiyaha Xisbigga WADDANI Cabdiraxmaan-cirro oo uu si weyn uga soo hor-jeeddo,waxaana uu ku andacoonayaa in Sannaddo ka hor markii uu Qorshahaas ula tagay Wax-garadka Galbeedka Burco aanay Kala shaqaynin sidii uu Kursigga Madax-weynenimmo ugu guulaysan lahaa,waxaana uu wataa oo qorshahaasi sidii uu u-fashilmi lahaa u rabaa inuu kala shaqeeyo Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland oo ay dhalasho ahaana isku dhaw-yihiin,waxaana ilaa hadda aannu isna mawqifkiisa rasmigga ahi aannu cadayn Samo-taliska Somaliland,Xaaji Cabdikarriim Xuseen oo ka mid ah muddanta Beelaha Koonfurta Hargaysa oo soo-jeedimihiisa si weyn looggu guuxo.

Guud ahaan markaynu qormaddeenan soo afmeerno,Wajiyadda qarsoon ee dagaalka ku salaysan hir-galinta ama fashliinta Qorshan Siyaasaddeed ee saamayntiisa lihi dhex-marayaa,waa; Gudoomiyaha Xisbigga UCID,Eng.Faysal Cali Waraabe iyo Xukuumadda oo isku dhinac ah iyo Dr.Cal-sanyare,Prof.Buubaa,Muj. Axmed Mirre oo iyana ciyaarta dhinaca kale kaga jira.

DHAMMAAD

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Suxufi iyo Qoraa,

Email.Daacad461@gmail.com