FALAN-QAYN : DHALIILAHA KA MUUQDA BARNAAMIJKA WADDANI “POLITICAL PLATFORM “ Qormada kowaad”

0
361

Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay LONDON, ayuu xisbigga WADDANI kusoo bandhigay barnaamijkeesa siyaasiga ah “ Political Platform” .Markii aan ka arkay shaashadaha, waxa ka muuqatay shax-shax iyo kharash burburin. WaXAAN akhriyay QABYO QORAAL ku qoran Af-soomali .Inta aanan u gudbin falanqaynta barnaamijka, waxaan is yara dul-taagaya barnaamijyada labada xisbi qaran ee “ NEW UCID & KULMIYE “

1). NEW UCID: Barnaamijka NEW UCID ,ee ku jira websitekooda, waa kii Guddoomiye Faisal ku gaaly doorashooyinkii uu guul-daraystay .Waxba lagama bedelin waqtigiisuna wuu dhacay ” Outdated Platform”. Musharax Jamaal Cali Xussein sooma bandhigin barnaamij cusub . Waxa muuqata NEW UCID inaanu diyaar u ahayn tartan Madaxwaynenimo, laakinse uu diyaar u yahay ka Golaha Wakiiladda. Musharax Jamaal Cali Xussein waa siyaasi laangadhe ah, oo aan lahayn ku-xigeen. Lugta kalena waxa haya Guddoomiye Faisal, mana muuqato inuu barnaamij keeni doono.

2).KULMIYE: Barnaamijka KULMIYE kuna jira websitekooda, waa kii Madaxwayne Siilaanyo ku guulaystay June, 2010, waxaanu ku ee kaa June,2015 “Outdated Platform “. Musharax Muuse Biixi sooma bandhigin barnaamij cusub uu dalka ku hago, . Sida muuqata, ololahiisu wuxuu ku qotoma Qabyaalad & beelaysi. Wuxuu ku tiraabay inay soo cugatay beesha Sacad Muuse , Reer Abtigii Garxajisna diyaar yaheen, beesha “Arabna” deeegaanka “ Hawd” wadaagan “ Beesha “Habar-jeclana ” waxay maraysa halku Madaxwayne Siilaanyo mariyo ; Sameroona waxay ku jirta gacanta Saylici , inta soo hadhayna yeelkooda “ Harti ,Ciise & Gabooye “. Hadii xaalku xumaado, waxa heegan ku jira ciidanka qaranka iyo “ General Shaqale “
3. WADDANI : Xisbigu wuxuu soo bandhigay barnaamij waqti , tamar iyo kharash badani ku baxay. Wuxuu ku qotomaa shan tiir “ 5 Pillars” oo kala ah 1. Difaaca Qaranka 2. Dib-habaynta Maamulka & Siyaasadda 3. Kobcinta Dhaqaalaha 4. Caafimaadka 5. Nolosha Bulshada & Dhalinyaradda .

Markii aan akhriyay, waxa iiga soo baxay arrimaha soo socda:
1. Barnaamijka xisbigu wuxuu diirada saarayaa muddo aad dheer “ Time horizon “ oo ku aadan ilaa 2030, lamana sheegin sababta uu xisbigu u calaamdsady waqtigaas fog . Waxa qumanayd in barnaamijku ku ee kaado illa 2007-2012 “ Shan Sano” oo ah mudada uu xisbigu haynaayo maamulka , haddii uu ku guulaysto .

2. Qaabka uu barnaamijku u qoranyahay waxa ka muuqda ka-kanaan iyo adadkaan “Rigidity”, oo aan akhristaha soo jedanayn .Isma waafaqsana tusmadda “Table of contents” iyo qoraaladda ku qoran gudaha. Waxa badan kelmadaha isku macnaha ee soo noqnoqonaaya “ Verbosity”. Waxa haboonayd in loo qoro qaab debecsan, xidhiidhsan,fudud oo si dhibyar akhristahu u fahmi karo .

3. Mabaadi’da Guud iyo Higisiga Guud laba meelood ayaa lagu kala qoray. Markii aan akhriyay, waa isku mid faraq wayni uma dhaxeeyo “ Redundancy”. Waxa haboon in la mideeyo oo meel laysagu keeno.

Ilaa iyo iminka, waxa la odhan karaa, waa xisbigga qudha ee soo bandhigay barnaamij dhamaystiran, inkasoo u baahanyahay dib-u-habayn fara badan” Editing & Re-formating “
“ la soco qoramooyinka danbe “
Drs.Hooo Yusuf, U.K,London.
yhoodo@yahoo.com