Fannaanka Farxaan Xiddig Oo Qori Lagu Eryaday Iyo Guuldaro Ka Raacday Doorashada somaliye xeiliye oo dooneyeye somaliye ween

0
333

Fanaanka caanka ah ee Farxaan Xiddig sheegay in sheegay in doorashadii maanta looga adkaaday inay ku timid handadaad qori caaradiisa ah isla markaana sarkaal ka tirsan ciidamada oo uu sheegay in horay loogu xukumay dil toogasho ah uu qori ku bursaday, sarkaalkaasi oo xabsiga kasii daayay buu yiri xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Doorashadii dhacday ayaa natiijadu noqotay inuu ku guuleysto Cilmi Maxamuud Nuur oo ka mid ahaa xildhibaanadii hore ee Federaalka oo helay 45 cod , halka Farxaan Xiddig uu helay 6 Cod oo qura.

Fannaanka oo ka hadlay sida doorashada u dhacday ayaa bannaanka soo dhigay in loo hanjabay, loona adeegsaday qoriga caaradiisa, isla markaana suldaankii beesha iyo ergadaba awood lagu maquuniyay loona hanjabay.

Wuxuu sheegay inuu hayo caddeyn Video ah isagoo la handadayo, arrintaasina uu ka danbeeyay nin uu magaciisa ku sheegay Cabdi Buur.