Farmaajo oo xildhibaanada kasoo jeeda Puntland ka codsaday inay codkooda siiyaan

0
681
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ah murashaxiinta u tartamaya xilka Madaxweyne ayaa la kulmay xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwooda laga soo doortay deegaanada Puntland.

“Waxaan aaminsanahay in barnaamijkeyga siyaasadeed uu wax badan ka qaban karo hagaajinta dowladnimada Soomaaliya. Hoggaamiyaha wanaagsan waa kan abuura rajo, waa kan isku-wada bulshada oo dhan, waa kan dulqaadka u leh daruufaha, waxaan ballan qaadayaa haddii aad I doorataan in aan kor u qaadano sharafta, iyo karaamada dowladnimo ee Soomaaliya” ayuu yiri Murashar Farmaajo.

Farmaajo oo rajadiisa tahay mid aan buurneyn, wuxuu sanadkii 2012 tartankii doorashada la galay uu ka helay 14 cod, wareegii koowaadka ku haray.