Faysal Cali Waraabe Iyo Cabdiraxmaan Cirro Oo Faro Cididood Lagu Kala Jiiday Iyo Sawiro Muujiyey Muuse Biixi Oo Ku Kala Dhex Jira

0
400

Faysal Cali Waraabe Iyo Cabdiraxmaan Cirro Oo Faro Cididood Lagu Kala Jiiday Iyo Sawiro Muujiyey Muuse Biixi Oo Ku Kala Dhex Jira

Hargeysa (Warsugan) Gudoomiyaasha labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI ayaa shalay is fara saari gaadhay, kadib markii ay isku maan dhaafeen siyaasadda iyo xaaladda labada xisbi.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ayaa la sheegay inuu hadalka ku horeeyey, isla markaana gacanta u qaadi gaadhay gudoomiyaha WADDANI. Faysal Cali Waraabe ayaa gudoomiye Cirro si cadho leh hadallo ugu taagtaagay “labada xil mid ayaad xidhan doontaa koofiyadiisa ma dhacayso inaad kolba mid la shir timaado” hadallo sidaas u dhacayey ayuu Faysal Cali Waraabe hadalka ku bilaabay.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa arrintaas ka cadhoodhay, balse Faysal ayaa hadalka sii wata “Annaga ayaa dadka ku barnay oo wax kaa dhignay” hadallo macnahoodu sidaas ahaa ayuu Faysal Cali Waraabe hadalkiisa ku sii daray.

Goob joogayaasha ku kala guntaday ayaa intaas noogu daray in hadalku aad uga sii xumaaday labada dhinac, isla markaana la kala jiiday.

Muuqaal la baahiyey ayaa muujiyey in Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Cirro oo uu Faysal faraha fiiq fiiqayo iyo gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi oo Cabdiraxmaan Cirro la hadlaya isla markaana dhanka midig ka maray. Faysal ayaa sitay hangoolkiisa uu ku caan baxay marxaladan oo kale faro laab isku badali kara. Waxana uu ku yidhi cirro “durug oo midigta…. ilal yamiin” Muuse Biixi ayaa kala dhex galay oo si waayeelnimo leh u yidhi “isa sima istawuu”

Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa hore qalaalse muran oo ka dhashay laba garab oo xisbiga UCID u kala jabay keentay inay maxkamad isla galeen, iyadoo aakhirkii xisbiga loo xukumay gudoomiye garabkii uu hogaaminayey Faysal Cali Waraabe.

Yooyootanka labada gudoomiye ayaa u muuqda kuwo wali soo mir kicinaya uurku taalooyin hore u dhex maray, iyadda oo xiligana la filaayo inay Somaliland ka dhacaan doorashooyinka, in kasta oo xisbiga UCID uu wali ku jiro khilaaf u dhaxeeya hogaanka sare, taagan yahayna halkii cirro kaga wareegay markii muranku soo kala dhex galay isaga iyo saaxiibkiisi siyaasada ee faysal.

SOURCE Wargeyska Warsugan