FEEDH, HARRAATI LAGAGA JAWAABAY OO LOOGU WANQALAY FURITAANKII SHIRKA GOLAHA DHEXE EE WADDANI IYO NIYAD-XUMO HADHAYSAY ERGOOYINK UU QAARKOOD DHIIGU KU KACAY

0
328

FEEDH, HARRAATI LAGAGA JAWAABAY OO LOOGU WANQALAY FURITAANKII SHIRKA GOLAHA DHEXE EE WADDANI IYO NIYAD-XUMO HADHAYSAY ERGOOYINK UU QAARKOOD DHIIGU KU KACAY

Feedhkii Daa’uud Food-Cadde, Harraatidii Duur, Fajacii Martida Iyo Fad-Qalalada Shirkii Farosaarka Ku Furmay+ Shucuurta Kaadir Ka Dareeray Madasha Oo Ka Cadhaysan Xubnihii Isbahaysiga Oo Xisbigu Marxabaysiiyey

“Anigu Waxan Ahay Guddoomiye-Ku-Xigeenka 2-Aad Ee Xisbiga WADDANI, Kursigaygiina Nin Oday Ah Baa La Fadhiiyey Sawirkiisiina Waa Lagu Dhejiyey, Guddoomiyahana Arrinkaas Waan Gaadhsiiyey, Waxbana Iskama Beddelin……..”

Hargeysa:(WSN)-Shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga WADDANI, ayaa buuq iyo dagaal gacmaha la isa saaray ku furmay, kadib markii si weyn la isu daba-mariyey nidaamkii kala sarraynayd ee hoggaanka xisbigaasi u fadhiisan lahaa kuraasta loogu talo galay inay ka fadhiistaan madasha. Marti-sharaftii madasha fadhiday, ayaa ka hor intii aanu shirku furmin ku war-heshay dagaal faraha la isa saaray oo ay isku qaadeen laba sarkaal oo xisbiga WADDANI katirsan, kuwaas oo midkood ka cadhooday xubno aan hoggaanka xisbiga ku jirin oo madasha meel hore laga fadhiisiyey iyo xubin wax is-dhaafintaas la dhacsan oo difaacayey. Daa’uud Xuseen Jaamac(food-cadde) oo ah xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga WADDANI, ayaa si weyn uga cadhooday sawirro ay leeyihiin xubno xisbiga dhawaan soo galay oo lagu dhejiyey kuraas safka hore kaga jirtey hannaanka loo fadhiisanayo, ayaa jar-jaray sawirradii halkaas ku dhejisnaa, waxase dagaal kedis ah kusoo qaaday wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Md. Maxamed Nuur Carraale(duur), kaas oo isagu kamid ahaa maskaxda ka dambaysa in xubnaha dhawaan soo galka ah laga horraysiiyo xubnihii xisbiga dhiigooda usoo shubay oo uu Daa’uud laftiisu kamid ahaa.

Marti-sharaftu waxa ay markhaati ka noqdeen muddo daqiiqado ah dagaal feedh iyo harraati la isu adeegsaday oo dhexmaray Duur iyo Food-cadde, kaas oo madasha ka abuuray buuq iyo sawaxan ballaadhan oo gaadhay heer uu dagaalku sii ballaadho, maadaama aragtiyaha labada dhinac isku hayeen taageero kala heleen.

Aakhirkii waxa xoog batay xubnihii watay aragtida ah in xubnaha xisbiga dhawaan soo galay xagga hore fadhiistaan watay oo uu u badnaa kaadirka u badan beesha guddoomiye Cirro oo iyagu talo u gaar ah golaha la yimaadda, waxana madasha cadho kaga baxay qaar kamid ah saraakiisha ugu sarraysa xisbigaas oo uu ugu horreeyo guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbigaas, Md. Faarax Dheere.

Xubno kooban oo uu Daa’uud Food-cadde kamid ahaa, ayaa iyaga lafu qasbay inay madasha xagga dambe ka fadhiistaan, isla-markaana u banneeyaan xubnaha dhawaan soo-galka ah, waxana iyaga oo cadhoonaya ay fadhiistaan safafka dambe ee madasha.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbigaas Md Faarax Dheere oo isagu markii uu arkay nidaam xumamada uu kaadirka xisbigu wado ee madasha hadheeyey shirkaas iskaga baxay, ayaa warabaahinta la hadlay, waxana uu yidhi,“anigu waxan ahay guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee xisbiga WADDANI, kursigaygiina nin oday ah baa la fadhiiyey sawirkiisiina waa lagu dhejiyey, intii aanu shirku furmin ee aanu fadhiisanna waan ka hadlay ilaa guddoomiyahana arrinkaas waan gaadhsiiyey, waxbana iskama beddelin, kii guddoomiye kuxigeenka 1-aadna isna nin kalaa la fadhiisiyey.”

Guddoomiye Faarax Dheere waxa uu sheegay in haddii uu nidaamka iyo kala dambaynta xisbigu lumo aanay meeshu wax lasii joogo ahayn,“mar haddii nidaamka la qaldana meesha wax kale ma jiraane guddoomiye kali ah bay arrintu noqonaysaa, shirkanina waxa uu ahaa shirkii golaha dhexe ee xisbiga, waxana uu lahaa maamul gole dhexe.” Ayuu yidhi guddoomiye Faarax Dheere.

Faarax Dheere waxa uu si cad u sheegay in ergooyinkii uu watay xataa kaadhadhkii loo diiday oo maalmaha can-jarafayn lagu waday,“anigaa ilaa shalay arrinkaasi wuu igu soconayey oo ergooyinkii aan anigu keenay ilaa sawirradii waa loo diiday, aniguna waxan u arkayey arrin maamul xumo ah, laakiin markii aan arkay in kursigaygiiba meesha laga qaaday oo nin kale meeshii la dhigay waxan u arkay arrin kale oo ka beddelan, waanu tashan doonaa”.

Dhibaatada iyo ceebta ka dhacday madashii uu ka dhacayey shirka golaha dhexe ee xisbiga WADDANI, ayaa loo aanaynayaa mid ay ka masuul ahaayeen xubno awood badan oo kasoo jeeda beesha Guddoomiye Cirro, kuwaas oo ay kamid yihiin Ex. Wasiir Duur, Siciid Sulub Maxamed, Maxamed Cismaan Fadal, Daamur iyo Weliba Afgaab, kuwaas oo inta badan yasa xubnaha aasaasayaasha xisbiga kamid ah ee deegaanada kale kasoo jeeda, waxana taas marag u ah wixii ay shalay madasha ka sameeyeen.

hubaalmedia.net