FIKIRKA WANAAGSAN IYO FAA’IDOOYINKA HORUMARKA W/Q, Abdirahmaan H. Osman ( Geele)

0
979

FIKIRKA WANAAGSAN IYO FAA’IDOOYINKA HORUMARKA

W/Q, Abdirahmaan H. Osman ( Geele)

qofka inuu la yimaado fikir ku dhisan dhinaca wanaagsan weeyaan aduunkan intaad joogto waxyaabo badan baa ku soo maraya ,dhacdooyin badan baa ku soo maraya waxaad is weydiinaysaa qaab kee baad ugu jawaabaysaa dhacdooyinkaas ,sidee buu noqonayaa kolba sidaad ugu jawaabayso arimaha kugu dhacaya, noloshan aynu ku noolnahay sideedaba waxay ka sameensantahay afkaarteena , afkaartaynu aaminsanahay ayaa samaysa nolosheena halka aad maanta taagantahayna afkaartaad xambaarsantahay ayaa ku dhigtay , beri halka aad taagnaanayso afkaartaada iyo fikirka aad aamin santahay ayaa ku dhigaya .

Hadaba qofka bani aadamka fikirka uu aaminsanyahay laba mid uun buu noqon karaa,

1) wuxuu noqon karaa fikir qofka dhisa ,wuxuu noqon karaa fikirka maskaxdaada ku

soo dhacay mid xaga wanaagsana oo dhinaca wanaagsan aad wax ka eegayso ,waxa uu noqon karaa mid adiga ku dhisaya, tusaale ahaan waxa uu noqon karaa mid ku odhanaya qof wax qabsan kara ayaad tahay meel baad gaadhi kartaa wax kasta waa kuu fudud yihiin waad guulaysanaysaa .
2) wuxuu noqon karaa fikirka kugu soo dhacay mid kaa ka duwan oo waa mid ku

duminaya ,waxa uu noqon karaa mid ku odhanaya meel ma gaaraysid ,waxba ma haysatid ,waxba ma qabsan kartid ,wax kasta waa kugu adag yihiin ,afkaarta noocaasoo dhan markay maskaxdaada ku soo dhacdo maxay samaynaysaa way ku duminaysaa sidaa daraadeed waxaa la yidhaahdaa qofka hadii uu rabo inuu wax qabsado ,haduu rabo inuu meel gaadho ,haduu rabo is bedel inuu sameeyo waxa ugu horeeya uu sameenayaa waxa weeyaan inuu u fikiro sida fiican wax kasta oo kugu dhacayaa waa inaad ka eegtaa dhinaca fiican , waa inaad rajeysaa wax fiican inaad helayso ,inaad iska ilaaliso wax yaabaha kugu dhacaya inaad dhinaca xun ka eegto ,hadaad shayga dhinaca xun ka eegto waxa ay keesanaysaa murugo ,walbahaar werwer iyo walaac, arimahanoo dhan waxa keena qofka markuu wax kasta dhinaca xun ka eego ,wax kasta uu yidhaahdo way adagyihiin ,suurta gal maaha, dhibaataa ka imaanaysa ,waxaasaa dhacaya qofka markuu nolosha dhinacaas uun ka eego horana uma socon karo dhibaata badana way soo wajahaysaa ,hadaan qiso yar oo uu qoray caalimka weyn ee la yidhaahdo Ibrahim Al fiqi soo qaato oo buugiisa la yidhaahdo positive thinking ( Fikirka Wanaagsan ) uu ku qoray waxa uu buugiisa ku tilmaamayaa in laba inan oo dhalin yar ah ayaa meel kawada shaqeenayey labadaa dhalin yaradaa waxaa lakala odhan jirey Samiir Midna Muncim labadaa dhalin yarada mudo ka bacdi ayaa loo yeedhay shirkadii ay ka shaqeenayeen ayaa u yeedhay waxa ay ku tidhi shaqadiinii waan ka maaranay ,arintaa markii shirkadii labadii dhalin yaradaa u sheegtay aad bay u walaaceen mid ka mida dhalinyartii wuxuu yidhi hadii shirkadani idin eriday beriba mid kalaynu helaynaa ,shaqa kalaynu helaynaa , mid ka fiican baynu heli karaynaa aynu raadsano ,kii kalana wuxuu yidhi maya sheekadu sidaas maaha meeshani shaqo lama heli karo ,shaqadu way adagtahay inaad heshaa ,shaqooyinka way wada buuxaan ,cid ina qaadanaysaa ma jirto nimankaa way ina dulmiyeen halkaasuu ka galay sheekadii labadii inan way kala tageen kii dhianaca fiican wax ka eegay markiiba shaquu raadsaday wuu u howl galay meela badan ayuu codsiyo u qortay mudo ka bacdi kolba meel markuu tagaba markii dambe banki ayuu shaqa ka helay , bankigii buu kor uga sii kacay hore ayuu u sii socday ilaa uu noqday qof bankiga farac kamida maamulaya ,kii kale halkuu ku dambeeyey waxa uu ku dambeeyey walaac ,walbahaar iyo in maalin kasta yidhaahdo waalay dulmiyey si khaldan baa meesha la iiga eryey ka dibna noloshiisa ay noqoto nolol aan raaxa lahayn ka dib uu shaqo waayo ka dib hurdada iyo telefishanka badsado aakhirataankiina uu ku abuurmo waxa loo yaqaan wal bahaar .
sheekadani waxa ay tilmaamaysaa qofka waa sida uu u fikiro hadii fikirkaagu aad dhinaca wanaagsan ka eegto oo aad ogaato noloshan inaad wax qabsan karto way kuu wanaagsanaanaysaa nolosha dhinaca fiicana waad ka galaysaa .

hadaad wax walba dhinaca xun ka eegto , oo dhinaca mushkilada aad ka eegto aakhirataanka waxaad noqonaysaa qof aan meel gaarayn oo nolashiisa dhibaato ku noolaada , su’aasha laysweydiinaya waxa weeyaan qofka inuu wax walba dhinaca wanaagsan ka eego oo wax alla wax kastoo kudhacaa dhinaca wanaagsan ka eego maxay faa’ido leedahay ?

1) faa’iidada koowaad waxa weeyaan iyadaa lagu gaadhaa guusha iyadaa horumarka lagu gaadhaa

qofkastaa marka uu wax sameenayo fikir baa ku soo dhaca ,maanta ninkii diyaarada sameeyey markii ugu horeesay waxa ku soo dhacday fikirka in la duuli karo bal kawarama ninkaasi halkaa hadii uu ku istaagi lahaa oo fikirkiisu noqon lahaa waar ma samayn kartid diyaarad , meel muu gaadheen laakiinse fikirkuu qaatay waxa uu ahaa inuu diyaarad samayn karo , inuu wax qaban karo sidaa daraadeed waxa la yidhaahdaa horumarka sidiisaba waxa numberka koowaad ka noqonaya qofka inuu u fikiro dhinaca positiveka ( wanaagsan ) inuu yidhaahdo waxaa waan qaban karaa, waxaa waa la gaadhi karaa ,waxaasi wey fudud yihiin oo dhinaca wanaagsan wax kasta uu ka eego ayaa horumarka lagu gaadhaa waxaa kaloo muhiima markaad dhinaca fiican wax kasta ka eegto waxa imanaya in walbahaarkii iyo werwerkii kaa fogaado noloshaadu raaxay dareemaysaa waxa kaloo imaanaya inuu energy ( tamar ) helo oo jidhkiisu kor u kaco inuu dareemo inuu active yahay oo uu shaqeeyo laakiinse hadii uu aamino inaanu meel gaadhi karayn, inuu waxba qabsan karayn , inaanu is bedeli karayn , inaanu shaqo heli karayn waxa imaanaya inaanu dhaqaaqin marka shayga qofka kiciya waxa weeyaan waa qofka oo wax kasta ka eega dhinaca wanaagsan oo uu wax kasta qabsan karo waxa kaloo imaanaya in uu mustaqbalkiisa u hilaaco inuu aad u jecleesto inuu kor u socdo laakiinse hadaad wax walba ka eegto dhinaca xun waxa imaanaya inaad aragto inuu mustaqbalkaaga mugdi ku jiro ,walbahaar inuu ku jiro ,werwer inuu ku jiro markaa runtii hore u socon maysid .
Aqoonyahan ,(Master holder) ahna qoraa somalilandera (GEELE)
shaamcade2015@gmail.com