Fikirkiisa Oo Uu Ku Cabirey Nadaafada Guud ee Degmada Tog-Wajaale Ayuu Ku Muteystey Xadhig

0
378

Fikirkiisa Oo Uu Ku Cabirey Nadaafada Guud ee Degmada Tog-Wajaale Ayuu Ku Muteystey Xadhig

Mustafe Sheekh Abokor Xuseen oo kamid ah Muwaadiniinta kunool Degmada Tog-Wajaale ee katirsan Gobolka Gabiley,kana mid ahshakhsiyaadka inta badan xaaladaha

Mustafe Sheekh Abokor Xuseen oo kamid ah Muwaadiniinta kunool Degmada Tog-Wajaale ee katirsan Gobolka Gabiley,kana mid ahshakhsiyaadka inta badan xaaladaha ka jira Deegaanka ku cabira fikirkooda una gudbiya Warbaahinta mar kasta ilaa sanado badan, had iyo jeerna sheega dhaliisha jirta Degmada Tog-Wajaale ee muuqata, ayaa Maamulka cusub ee Degmada Tog-Wajaale u taxaabay fikirkiisa oo uu ku cabirey arimo la xidhiidha Nadaafada Guud iyo xaalada Caafimaadka.

Mustafe Sheekh Abokor Xuseen, waxa lagu xidhay markii hore Saldhiga Degmada Tog-Wajaale hadana waxa caweysinkii caawa loo soo gudbiyay Saldhiga Booliska Gabiley iyadoo, Maamulka Degmadu ka gaabsadey Xadhigiisa anagoo kamid ah Dadweynaha iyo dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Degmada Tog-Wajaale waxaanu Maamulka Degmada ka codsaneynaa marka hore in ay muwaadinkaasi xoriyadiisa usoo celiyaan marka labaadna,

aaney noqonin maamul u caban fikirka iyo odhaahda Dadweynaha oo ay maanka ku hayaan in ay tahay mid lagu toosinayo waxna lagu tusayo, oo hagaajineysa Maamulkooda sidaa daraadeedna, hadii laga arko in ay dhibsanayaan arimaha dhaliisha ah sikasta oo ay tahey waxey Bulshadu u aqoonsan doontaa in aaney aheyn Maamul aan ku joogin xaqiiqda haseyeeshee,waxa loo arki doonaa Maamul daneysanaya hadii dhaliisha shacabku damaqdo.

Gabagabadii, inkastoo Maamulka Degmada Tog-Wajaale yahey Maamul cusub oo aaney wali joogin wakhti lagu qiimeeyo, oo iyaga farta lagu ggodo hadana tani waxey kamid noqon doontaa arimaha lagu qiimaynayo waxaana looga baahan yahey dulqaad in ay muujiyaan oo ay dhaliisha Bulshada Tusaale ugu qaataan wixii ay ka toosin karaan hadiiba ay jiraan,iyadoo aaney kujirin wixii meel ka dhac ahi.

Waxaan mar sadexaad ka codsanayaa Maamulka Degmada Tog-Wajaale iyo Saraakiisha amaankaba in ay Muwaadinkaasi Mustafe Sheekh Abokor usoo celiyaan Xoriyadiisa maadaama uu yahey shakhsi tabaruc ugu shaqeeyay dadweynaha mudo badan dhinaca adeegyada aasaasiga u ah Bulshada gaar ahaana Caafimaadka.

Axmed Cabdi Habane Muxumed
Tog-Wajaale Somaliland
habane078@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here