Filanwaa! Qaybta 1aad by Maxamed Sidiiq Dhamme

0
745

Filanwaa!
Qaybta 1aad.
Maxamed Sidiiq Dhamme.

Cad wadanaha ku yaalad
Cuddooneey ahaydoo
Cindigayga weligaa
Caku kama baxaysid!

Waxaanu isku baranay xafladdii arooska Raage oonu saaxiibo isku naf iyo nolola ahayn, habeenkaa qalbiga ayaan ka ahaa aroos, waxaan xidhnaa suudh-ka caruuska mid u eeg. Waxa uu ahaa habeen jimce barkhadle ah, cirka waxa hoganayey daruuro mahiigaan faraqyada ku sita. Galabnimadii habeenkaasi waxa da’ay roob lagu doogsaday oo magaalada maasheeyay, saxalkii iyo boodhkii jilaalkana ka jafay dhulkii engegnaa. Naxariista xareedda daadsan dhulka waxa dheeraa saxansaxada udgoon ee sanka lala raacayo. Xafladaha aroosyada inkasta oo aanan jeclayn, haddana habeenkaa wax kalaa laga wadee waxaan isku baranay qof naftaydu u raacday si dhab ah, niyaddana ku sidigtay jacayl aan salguurayn. Marba hees farxad aroos tiicaysa waxaan dhagaysannaba oo laba-laba laysagu kaco qoob ka ciyaarka, waxa la gaadhay markaanu aniga iyo caruusku ciyaarsiin lahayn boqoradda iyo malxiisadda, sacab iyo sawaxan ayaa is qabsaday markaanu kacnay. Waxa naloo saaray hees degen oo naftu ku raaxaysanayso, waa heesta uu qaado fanaanka codka dahabka ah leh ee Cumar Shooli.

“Sida laago roob helay,
xareedii ka lagac tidhi,
lala raacay indhahaa,
arooskeenu laacee”

Sida laan dhebiya oo gebi ka laalaada ayaan hadba dhinac u leegleeganay, lammaanihii iyo labadayada kaleba. Hinaasaaba i galay waxaan kolba niyadda ka idhaadaa tolow caawa may ahaato habeenkaagii iyo maadan gashaanti tima-dheer la dheelilahayd ciyaarta arooska. Malxiisaddu waxa ay ahayd inan aad moodo in laga soo xulay boqol cadradood, marka aad eegto qotonkeeda iyo quruxdeeda. Hallaasiga ciyaarta waxa ay kaga dartay dhoolla ka qosolka ku dhaawacaya markaad dheehato. Intii aanu ciyaaraynay anigu waxaan ku maqnaa oo aan eegayay kor ilaa kal joogeeda, kolba daymadaan tin ilaa cidhib ku dhammeeyaa, haddana waan ku celiyaa eegmada mararka qaar sidaan u eegayo waxaba iga lumaysay ciyaarta oo waxaan is arkayay anoo ka baxay xadka. Lama aan hadal oo waqti la hadlo lama taagna sidii islaan Saar hayo ayay isla maqantahay oo maba joogto meesha. Niyadda ayaan iska idhi malaha sidaada ayay mayracanaysaa dareenka xiisaha badan ee kugu gadaaman, mooyi! Oo miyaan arkayaa qalbigeeda. La soco ………………

Maxamed Sidiiq Dhamme
Msadiiq1@gmail.com