Francesco Totti oo ka soo horjeestay inuu ka fariisto ciyaaraha dhamaadka xiliciyaareed kan

0
353

waaxa qoreya yaasir br

Halyeeyga Roma iyo xulka talyaaniga ee Francesco Totti ayaa meesha ka saaray suurogalnimada uu kubadda cagta uga fariisan karo dhamaadka xiliciyaareed kan.

40 jirkaan ayaa hal sano oo heshiis ah u saxiixay kooxdiisa Roma, qandaraaskiisa ayaana dhacaya dhamaadka xiliciyaareed kan.

Roma ayaana qorshaynaysa in laacibku uu xil ka qabto kooxda gudaheeda wixii ka bilowda xiliciyaareedka dambe laakiin Francesco Totti ayaa sheegay inuu sii ciyaari doono.

“Ma jiro wax cad marka la joogo kubadda cagta, waxaan fariisan lahaa xiliciyaareedkii hore markii uu qandaraaskaygu dhamaaday” ayuu yiri Francesco Totti.

“Waxyaabo badan ayaa dhaca marka aad ku guda jirto shaqadaan oo kale, gaar ahaan marka ay wax u dhacaan sida aadan doonayn, qof walba wuxuu xor u yahay inuu dhaho waxa uu aaminsanyahay”.

“Waan ku kalsoonahay maskaxdayda iyo jirkayga, waxaanan awoodaa inaan sii ciyaaro, haddii aan dareemo inaan ku jiro xaalad fiican maxaan u fariisanayaa?”.