Fulinta Qisaastu Waa Amar Alle Ina Faray Hanbalyo Xukuumada , Bahda Cadaalada iyo Garsoorka.

0
353

Fulinta Qisaastu Waa Amar Alle Ina Faray Hanbalyo Xukuumada , Bahda Cadaalada iyo Garsoorka.

Sida uu ilaahay ina faray waa waajib ilaahay qur’aankeena kariimka ah inoogu sheegay in la fuliyo qisaasta islamarkaana ay banaantay in qofka qof dila loo dilo, bahda garsoorka iyo xukuumada Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo waa ku mahadsan yihiin sida ay qisaasta u fuliyeen.

Madaxweyne siilaanyo iyo xukuumadiisu waxay ku dhiiradeen inay oogaan oo fuliyaan xadka alle waajibiyey ee ah fulinta qisaasta oo sida alle quranka ku sheegay ah xad ay ku jirto nolosheena iyo nasteexaduba, waana waa jib oo waa xaq in qofkii qof dila loo dilo iyada ku cad kalaamka ilahay (SWT)

Somaliland waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo qaarkood ugub ku ahaayeen dalka islamarkaana bulshadu aad ula yaabtay, dilalkaasi dhacay qaar kamida waxaa lagu fuliyey qisaas iyadoo la waafajinaayo aayaadka qur’aanka kariimkaa iyo sharciga dalka u yaala iyado aan marnaba la baal marayn.

Waxaa hubaala in dalkeenu yahay dal 100% islaama oo umaddii Nabi Maxamed (CSW) ku abtirsata, iyadoo aynu taa ka duulayno waa rugni inagu waajibay inaan fulino xukunka alle waana ku mahadsan tahay Xukuumada Somaliland fulinta amarka alle iyo sida ay dadka ugu dhiiratay, waana xukuumad isku kalsoon oo uu hogaamiyo Madaxweyne daacada oo ilaahay iyo qarankiisaba u daacada samaynaaya ficilada ay ku jirto maslaxada umadiisu.

Qaranka Somaliland midowga Yurub uma taliyo qarankan iyo dadkani iyagaa isu tagay oo tashaday taladoodana cid u daba fadhiisan maayaan macaamilka aduunyadu waa gaar balse wixii masiirkooda ah lagama yaabo inay cid waydiistaan, waligoodba midowga yurub ha calalaan hadalkooda marlayba waxaa ka qiimo weyn oo agtayada qiimo ku leh kii ilaahay na faray banii aadam marnaba kama hor iman karo xukun ka alle.