“Gaade iyo rag is doonaya oo shaydaan wado oo caqligu ka lumay sida loo kala celiyaa ma sahlana, waxaanse is leeyahay malaha halka la dhaliilayaa waxa weeye inaynu go’aano adag qaadano oo wado kala marino……” Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi + Sawiro

0
542

“Dadkaas Walaalaheen Ah Dhibaatadaas Dhex Taalla Waxa Inagu Waajib Ah Inaynu Wax Ka Qabano Hadaynu Nahay Xukuumad, Waayeelka Iyo Waxgaradka Gobolka Sool-ba” Wasiirka Madaxtooyada JSL

“Gaade iyo rag is doonaya oo shaydaan wado oo caqligu ka lumay sida loo kala celiyaa ma sahlana, waxaanse is leeyahay malaha halka la dhaliilayaa waxa weeye inaynu go’aano adag qaadano oo wado kala marino……” Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi

Laascaanood(WSN)Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo hoggaaminaya Wefti balaadhan oo ka socda Xukuumadda Somaliland oo hawlo nabadeed u jooga Gobolka Sool ayaa habeenkii xalay ahaa kulan la yeeshay Isimada, cuqaasha iyo waxgaradka gobolka.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa kulankaasi ka jeediyey khudbad uu xooga ku saaray in Colaada ka socota koonfurta gobolkaasi ee u dhaxaysa beelaha Qayaad iyo Ba’harrarsame la soo afjaro, lagana gaadho xal waara.

Wasiir Maxamuud Xaashi oo kulankaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Cuqaasha iyo waayeelka madashan caawa isugu yimi iyo haweenka dhamaantiiba waxaanu leenahay farxad wayn bay noo tahay kulankan ujeedadiisa iyo dulucdiisu ay tahay in aynu kaga wada hadalno adkaynta nabadgalyada, joojinta dhiiga daadanaya iyo colaada dhex taal dadkaas walaalaheen ah, xaqiiqdii waa waxaynu dhamaanteen ka xun nahay waxa dhacaya iyo wixii dhacay waa waxaydaan cudurdaar u heli karin. ILAAHAY (SWT), aadamaha iyo dhexdeena toona waa waxaynaan cudur daar u helayn in intaas oo nafood ay u go’aan wax caawa aynu taaban karno oo sabab aynu macquul ku sheegi karnaa aanay jirin intaa soo qofood ay u laxaad beelaan arrin shaydaan ka adeegay, wixii xun shaydaan baa loo nisbeeyaa oo leh ILAAHAY subxanuhu wa tacalaa inkasta oo ay qadarkiisa ku dhacaan hadana inadka ayaa ka masuula, dadkaas walaalaheen ah dhibaatadaas dhex taala waxa inagu waajib ah inaynu wax ka qabano, hadaad tihiin waayeelka iyo waxgaradka gobolka Sool, shacab iyo xukuumad dhamaanteenba waxa ina saaran masuuliyad waxa muuqata in dadkaas walaalaheen ahi in tallo xumo haysato, oo ay tashan kari waayeen inaynu u talino ayaa inagu waajiba.”

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena yidhi “Markaa inaynu toosino ayaa inagu waajiba, inaynu kala celino ayaa inagu waajiba mudadii u danbaysay ilaa ramadaan dilal badan iyo gaadmo badan ayaa dhacay waa dhab mar haddii aynaan dhiigii joojin dhaliil waynu leenahay haddii aad tihiin waayeelkii iyo waxgaradkii deegaankan iyo hadaanu nahay xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland waa layna dhaliilayaa maanta markii aynu dhulkaa maraynay raggii tashan kari waayay ibtiladana dhigay inagay ina beeraadayeen oo waxay yidhaahdeen “ Xigaalna waa waynay Xukuumadna waa waynay” markaa waa layna dhaliili karaa dhaliishana waynu leenahay mar hadii aynaan waxba dhamaystirin xaqiiqadu hadana waxa weeye anagu ma ogin idinkana idinku beeraadi mayno inaad isku dirteen oo colaadooda ka shaqayseen anaguna waa is ognahay oo iskumaanu dirin,waxa kale oo aanu ognahay inaynaan isku eegin dadaaladu inkastaba ha noqdeene inaynu gacan galinay oo is nidhi kala celiya.”

“Ramadaantii dhawayd markii wax dhaceen talaabooyin badan ayaynu qaadnay,deegaanku waa gurmaday waayeel fara badan oo deegaankan kamida cuqaal, garaaddo, waxgarad, culimo ayaa kacay deegaanada oo dhan baa lagu wareegay annagu ka xukuumad ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland tiraba afar jeer ayuu khudbad ku soo daray colaada deegaankan isagoo la hadlaya dadkaas oo u caqli celinaya,waaninaya, tacsiyaynaya, Madaxwaynuhu wuxuu soo diray wefti ka kooban xubno gollaha guurtida JSL iyo salaadiin, isimo ka yimi gobollada Somaliland halkan ayay isugu yimaadeen way adkaatay inaynu xal gaadhno kalsoonidoodiina bal’ee kumaynaan guulaysan waxa laga yaabaa bani aadamku inuu dhacdooyinka ilaawo marka dhibtu badato laakiin inaynu taariikhda milicsanaa waa muhiim”.

Wasiirka ayaa sidoo kalena ka hadlay dadaalada fashimay ee colaadaasi xalka loogu raadinayey waxaanu yidhi “Waxa dadaaladaas ka horeeyey isimada iyo waxgaradka deegaamadani arrintaas shaqaaqadu ka dhacday ee dilkaa magaalada Dharkeyn-geeyo go’aamo ayaa ka horeeyay lasoo qaaday oo odayaashu isugu yimaadeen oo madax dhaqameedka iyo garaadada ka wada shaqaynay oo aanu la barbar taagnayn ka xukuumad ahaan kamaanu gacan banaanayn markii waxani dhaceena waa tii gurmadka laysugu yimi ALLE ma qadarin, kumaynaan guulaysan inaynu kalsoonidoodii helno,inaynu xakamayno, sagaal guuto oo ciidanka qaranka JSL ah ayaanu hawl galinay oo ilaa maanta darxumo badan, tacab iyo dhibaato kusoo gaadhay oo diif farabadani ay dushooda ka muuqatay oo dal-tabyo ka muuqatay oo aanu maanta kusoo marnay deegaanadaas. Waxa loo geeyay maaha inay isku daawadaan, waxa aanu u gaynay inay kala celiyaan 80-kaas maanta dhintay 10-kaas bilood sideetankaasi ma wada dhiman qayb baa ka horaysay oo dhacdooyinkii hore dhintay laakiin dadkaas xoogiisu mudadii danbe ayuu dhintay dhacdadaas Dharkayn-geeyo marka laga soo bilaabo waxa hubaal ah dhulkii aanu marnay dhulkii ciidamada qaranku joogay waa lagu wada noolaa, salaada masaajidada ayaa lagu wada tukanayey, maqaaxiyaha iyo magaaladana waa lawada fadhiyey Dhuumay iyo Dabadtaag ayaynu tusaale u soo qaadan karnaa haddii aanay joojin waxa hubaal ah in dhimashada iyo dhaawacu intaas ka badan lahaayeen maalin ay isku soo dareeraan raggaas tiknikada isu iibsaday ee cududa badan isu samaystay maalin qudha ayaa 80-ku dhintaa haddii ALLE qadaro.

ALLE ma qadaree markaa khasaaraha laftiisu yaraanshihiisa degenaanshaha ayuu kamid yahay.”
Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sidoo kalena yidhi “Gaade iyo rag is doonaya oo shaydaan wado oo caqligu ka lumay sida loo kala celiyaa ma sahlana, waxaanse is leeyahay malaha halka la dhaliilayaa waxa weeye inaynu go’aano adag qaadano oo wado kala marino ayuunbaa la dhaliilayaa naf ALLE saarayana ma baajin karno inagu laakiin dadaal uunbaa inala gudboon go’aamadii adkaa ee aynu ku kala celin kari lahayn ayuunbaynaan qaadan waxna maynaan hagran waxaynu maanta u baahan nahay inaynu khibrad ka kororsano dadaalka muruqa iyo maskaxdana midayno.”

Wa-bilaahi Tawfiiq