Gaadhi Bas Oo Lahayd Shirkada Salama Oo Ku Dhacay Wadada U Dhaxaysa Berbera Iyo Burco Iyo Dhawacyo Ka Dhashay

0
456

Waxa Goordhawayd Ka Dhacay Degaanka Golalay Oo Ku Taala Wadada Isku Xidha Magalooyinka Burco Iyo Berbera Ayaa Waxa Ku Dhacay Bas Rakaab Ah Oo Lahayd Shirkada Socdaalka Ee Salama .
Baskani Oo Kasoo Socdaalay Magalada Hargaysa Oo Ku Soo Jeeday Magalada Burco Ayaa Waxa Uu Waday Dad Gaadhay Labataneeyo Qof Oo Rakaab Ah Ayaa Waxa U Gordhawayd Ku Dhacay Deegaanka Golalay Taasi Oo Ay Ku Dhawacmeen Dad Gadhaya 15 Qof Oo Dhawaca Oo iskugu Jira Rag Iyo Dumar,
Agaasimaha Cusbitaalka Burco Ibraahim Alaale Oo Aan Khadka Tilifoonka Kula Xidhiidhnay Ayaa Noo Sheegay In Cusbitaalkka Burco Lasoo Gaadhsiyay 12 Qof Oo Dhawacyo Fuduud Iyo Culusba Iskugi Jira Iyo Saddax Qof Oo Lasoo Wado Oo U Diray Gaadhiga

Degdeg Ah Ee Cusbitaalka Burco Oo Ku Hadhay Magalada Sheekh Oo U Ku Jiro Dilawarkii Waday Gaadhigaasi Baaska,

Baaskani Dhacay Ayaan Wax Dhimasha Aanu Sababin Lakin Ay Jiraan Dhawacyo Kale Duwan Oo Soo Gaadhay Dilawarkii Iyo Dadkii Saarna Baskaasi,
Waxana Mudooyinkii Udanbeeyay Waxa Soo Badanyay Shilalka Is Daba Jooga Ee Ka Dhacayay Wadada U Dheexaya Burco Iyo Berbera,