Gabadh & 3 Wiil oo Laba Somaliland u dhasheen,labana Somalia oo haraad ugu dhintay xadka Sudaan iyo Masar u dhaxeysa +Haybtooda & Magacyadooda

0
370

Gabadh & 3 Wiil oo Laba Somaliland u dhasheen,labana Somalia oo haraad ugu dhintay xadka Sudaan iyo Masar u dhaxeysa +Haybtooda & Magacyadooda

Gabadh & 3 Wiil oo Laba Somaliland u dhasheen,labana Somalia oo haraad ugu dhintay xadka Sudaan iyo Masar u dhaxeysa +Haybtooda & Magacyadooda
mayd

Cairo-(wARSUAGNNEWS)-Haweenay iyo Sedax wiil oo Soomali ah ayaa shalay ku dhintay Inta u dhaxeysa Sudaan iyo Masar sida ay sheegeen dadkii ay la socdeen oo soo gaadhay Caasimada Masar ee Qaahira

4-ta qof ee dhimatay ayaa haraad iyo kuleylka oo saa’id ahaa uga dhintay saxaraha Sudaan iyo masar iyadoona dadkaan tira ahaan ay dhamayeen 70 qof marka laga reebo gabadha dhimatay iyo Sedaxda wiil ay intii kale soo galeen caasimada Masar ee Qaahira

4-ta Qof ee dhimatay Mooyee wali waxaa jira dhowr qof oo dhawac ah oo wali liita oo jooga dalka Masar kuwaa oo la dabiibayo iyadoo kuleylka jira uu yahay mid saa’id ah oo keentay in Shinbiaraha ay iyagoo meyd ah oo heehaabaya dhulka ku soo dhacaan

Wiil iyo Gabadh dadka dhintay ka mid ah waxay ka yimadeen Magaalada Burco-Somaliland halka labada wiil kale ay ka Yimaadeen Muqdisho-Koonfurta Soomaliya.

Halkan ka akhri Magacyada dadka Geeriyoodey iyo haybtooda

Fardoowe Maxamed Ciise-Isaaq- Habaryoonis

Cabdulaahi Ahmed Cabdulaahi –Isaaq-Habaryoonis

Cismaan Ciise Axmed –Hawiye-Murusade

Halka Khaalid oo aan helin sadexdiisa magac uu yahay Daarood

4 qof ayaa lagu aasay Xadka Sudaan iyo Masar iyadoo dadkii Socotada ahaa ay sheegeen inay Afartaas Qof u dhinteen haraad iyo kuleyl awgiis oo keentay in wadnuhu joogsado.

Si kastaba ha ahatee dhamaan dadkaan kuwa dhintay iyo kuwa badbaaday ayaa doonaayey inay soo gadhaan dalka Masar si ay dooni uga racaan halkaas oo ay u galaan wadanka Talyaaniga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here