Gabadhii wariyaha aheyd ee jallaafada kala daashay qoxootiga oo xukun xabsi ah lagu riday

0
343

Haweenay filim qaade wariye ah oo u dhalatay dalka Hungary oo video laga duubay iyadoo jallaafaynaysa oo laag la dhagaysa dad xaqootiya oo ka tallaabayey xadka Hungary la leeyahay dalka Serbia, ayaa lagu xukumay saddex sanadood oo xadhig dibad jooga ah ka dib markii lagu helay eed ah dad la-dhaqan-xumo.

Petra Laszlo waxay bishii Sebtembar 2105 iyadoo filim ka qaadaysa qaxooti soo jiidhay xayn daabka booliska, ayaa filim qaade kale sawiray iyadoolaba qof oo mid kood gabadh yar ahayd laag la dhacaysa, markii dambana waxa la arkayey iyadoo nin ilmo yar sida jallaafaynaysa.

Waxay sheegtay in ay xukunkaa racfaan ka qaadanayso. Garsoore Illes Nanasi ayaa sheegay in hab dhaqanka Laszlo uu “meel ka dhac ku ahaa anshaxa bulshada” waxaanu diiday doodda qareenka difaacayey ee ahayd in ay lafaheeda difaacaysay.

“waxan ku soo jeestay uun dhawr boqol oo qof oo igu soo yaacaya. Aad baan u baqay”, ayay tidhi haweenaydu iyagoo is difaacaysa.