GABAY BAROOR-DIIQ, AXMED XASAN CAWKE

0
494

GABAY BAROOR-DIIQ, AXMED XASAN CAWKE
Gabay: Saxafigii hoyday
Abwaan Sacad Axmed Xasan-roodhiile wuxuu Gabaygan ugu baroor-diiqayaa suxufigii caanka ahaa ee Axmed Xasan cawke oo ku geeriyooday magaaladda jigjiga 17/11/2015. Wuxuu yidhi sidan:
Anoo saxin war aan salal ku kacay, subaxdi soo yeedhay
Sariirtaan ka taw idhi hurdadi, seexan kari waayey
Safradaan la toosiyo anoo, soorta dayi waayey
Warkoo sugan naloo sheeg inuu, suxufigii hoyday
Sadrigaan ka naxay iyo qalbiga, ii saldhigi waayey
Iyo samada ciirada ku xidhan, saaka waxa jooga
Safar dheer wadada aan qabsaday, salafka aan daaray
Soohdintii wajaaliyo halkuu, sabi yaraan joogay
Sunsunkiyo gawaadhida cagtaa, socodka dayn weyday
Meydkoo la soo siday jigjiga, surin la eegaayey
Dad saloogan siigada kacdiyo, salawga yeedhaaya
Giddi suuradoodii wajiga, murugadaa saaran
Indhahaa saxaafiga ilmayn, hililiq sooyaalka
Xaq baa yimid Siciidow wadkaan, ruuxna seegayne
Had aan saacad laga baaqsan karin, sababta loo raadsho
Uumiyaha sirtaa laga qarshaan, wada sugaynaaye
Salaadii janaasadda dadkaa, sacabka taagaaya
Allahayow adaa saatiree, sahal amuurteene
Eebbow su’aalaha qabriga, qawlka sugan toosi
Sumcad fiicnidiisiyo nimaan cadhadu saaqaynin
Anigoo sifayn Karin khalqigu, samoha sheegeene
Dadkow wada sinnaa oo qofnaba, kama santaageyne
Axmed cawke sawdkii dhagaha, sooryo noqonaayey
Ama summadi biibiisidee (BBC), lagaga soocaayey
Iidii inoo soogashaba, sow la tabi maayo?
Surmoseegto hadal aan lahayn, sida u keenaayey
Hibo tebin hal uu saafi jiray, saaka waan tabiye
Fanka hobalka suurayn wacnidi, midho ku siinaayey
Soomaali waa saaxad madhan, sabankan joognaaye
Safeex uu ahaa bay dadkii, tebi salaanow’e
Surmoseegto hadal aan lahayn, gollaha sooraayey
Iidii inoo soogashaba, sow la tebi maayo?
Xaqa anoo safaadayn marnaba, samadku noo uumay
Siduu doona yeelow adaa, saamaxaad badane
Suxufigii godka u nuur rabbow, saamic baad tahaye

Aamiin, Aamiin
Mobile: 00252-63-4420532 Email: saadroodhiile@gmail.com