Gabay Waano iyo Waxsheeg U Ah Guddoomiye Faysal Cali-Waraabe‏

0
491

Gabaygani waa waano, waxsheeg iyo hoga-tus ku socda Guddoomiyaha Xisbiga UCID Engineer Faysal Cali-Waraabe.. Mar haddii tiraabtii lagu joojin kari waayay, bal aan dhinaca tixda ula wareegno.. Wuxu ka hadlayaa waayihii UCID soo maray siday garabkii Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ee UDUB ka yimi mahuraanka ugu ahaayeen in xisbigu soo baxo sannadkii 2012kii. Waxa curiyay Siciid Maxamuud Gahayr oo ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID. Bulshada ayaa magaciisa u bixisay Geylan-dirir.

Wuxuu yidhi

Dhaaxaan sidii guurtiyeed, gaar wax kuu idhiye

Mar haddaan gaddaa aad tihiyo, dhalanku guuraynnin

Waanadu dhegtii aanay gelin, guul-darraa heliye

Gabban maayo maantee bulshadu, way gar-naqaysaaye

Inkastoonad gabayaa ahayn, curiya geeraarka

Qof uun baa wixii kaa gedmada, kuu galgaal-bixine

Bal guddoon adaan Faysalow, kuu gol leeyahaye

Inagoo gawaan iyo fadhina, goobti laga yaacay

Inagoo gujiyo ciil qabnoo, ginina aan haynnin

Golihii WADDANI maalintii, uunku wada gaadhay

Oo gaag yar mooyee khalqigu, geesta kale aaday

Gurmadbaa rugtii UDUB ka yimi, geesi loo qiraye

La’aantood libtaan gaadhnay iyo, gool ma dhalan layne

Gurgurshii ku qaadaad haddeer, gawrac leedahaye

Garabkaaga nimankii ahaa, eedda may geyine

Gacallow waxay mudan yihiin, gool in loo qalo’e

Gargaar bay ahaayeen u kacay, geeshkan reer UCIDE

Naf-hurkuu Jamaal geystay baan, goorna lumahayne

Waa tuu galbeedkana Rashiid, geeyay heegada’e

Cali-gurey xilkiisii gutaan, cidi giriifteene

Guunyiyo adduun bay hureen, gaadha maal badane

Ilamaa Gar-adag bay socdeen, goobta Sool tahaye

Golis iyo dhulkaa Saaxil bay, orod gucleeyeene

Goonyaha Togdheer bay mareen, geylan dirikiiye

Guuraha illaa Awdal baan, gooshnay socodkiiye

Geyigaa Sanaag bay mareen, galab carraabiiye

Adiguna guddoonshow markaad, guul-darrada tiicday

Sidii qaaje orod-gaabiyaad, joogtay gurigiiye

Gaaroodi maad dhaafin iyo, goonyahaa Herere

Gudintaadu waxay saaran tahay, geed-sankii baxaye

Inta aad galoolkii jartaad, beeraysaa gumare

Gedgaddoonku waa kii ku riday, goorihii hore’e

Geeddiga in hore loo wadaa, guusha dhalin-layde

Gadaal-socod adeerow ha noqon, gaaggax yuu imane

Ganddihiyo haddii aanad maqal, guurti lagu reeyo

Gobannimada waad daadisiyo, gaawe sharafeede

Garashadu kaskaagiyo ma aha, geed-ismarintaase

Garaadkayga weedhii qaldani, waanay gelahayne

Golii dhexena waad baal-martee, gooyay xaajada’e

Gurrac baad u socotaa muddana, gooni-daaqnimo’e

Hayska tuurin gebi iyo jardheer, waad ku go’aysaaye