Gadh Ma Lihide Joog!!!! W/Q:Mohamad Hassan Daacad.

0
1103

Gadh Ma Lihide Joog!!!! W/Q:Mohamad Hassan Daacad.

Waa Maalin Sabti ah,Guud ahaanba Dalka iyo Dadkana Waxa Hadheeyay Farxadda,Tamashlaynta,Saalamaha Gacaltooyo Iyo Is-Helida Saxiibo Wakhtiga Iyo Waayaha Nolashu Kala Irdheeyeen.Waxa ay Dadku Soo Guteen Maalmo Khayr lahaa,waxaanay Maanta is-la Dhex marayaan Duco,Dardaaran,Balamo Iyo Rajada Kulamo iyo Wakhtiyo danbe oo Xiiso leh,Hadii aanu Wad Helin.

Waxaanu Goor horeba Aniga iyo Koox Asxaabtayda ahi soo Gudanay Labadii Ragcadood Ee Salaada Ciidal-Adxa. Waxaanu si Kadis ah u Kulanay Asxaab Aanan Mudo is-Arkin,oo ay isku kaaya Danbaysay Waayihii Ardaynimo iyo Barisamaadkii.ka dib is Xog-waraysi Dheer oo Dhinacyo badan taabanaya kuna aadan Wakhtiyadii tagay iyo Muuqaalkii Nolasha ee Wakhtigaasi,Kan Maanta Aanu Joogno iyo Waxa is-bedelay,Qof Walba Halkuu ku danbeeyay,Kaalinta uu kaga jiro Guud ahaanba Nolasha,Gaar ahaana Mihnadii Is-kaaya bartay ee Ardaynimo iyo Ruux Kastaa halkuu ilaa hadda ka gaadhay Hamigii iyo Higsigii dheeraa ee Waxbarsho,waxaanu ugu danbayntii isla Gudoonsanay Inuu Magaalada Dhinac uga Baxno,oo aanan sidaas uga Fogaanin,balse aanu Farxada iyo Galaydhyaynta Sanadlaha ah aanu kusoo qaadano Mid ka mid ah Hotelada Ugu Caansan Magaalada Hargaysa,gaar ahaana kuwa ku yaala Dhinac-yada Magaalada,Goobtaas oo lagu majiirto Adeeg Hufan iyo Cunto Dhadhan leh,oo uu Ruuxu Wakhtigii dheeraa ee usoo socday ku Ilaabayo Jawiga degen ee Goobtaas uu Rabi ku Manaystay iyo Bilicda Dhirta Halkaas Ceegaagta oo Indhihii Basaasay ee Dalka Mudo Mooganaa iyo Kii Joogay in ee aan Nasiib u helinba ku Doogsanayaan.

Waxaanu ka Quraacanay Goob Cunto oo Markaas naga ag dhawayd.Qof kasta oo Naga Mid ahina waxa uu Gabihaanba Baajiyay Balan-kasta oo uu la lahaa Qof kale ama Hawl kasta oo u taalay.markii ay noosoo Idlaadeen Dhamaan Hawlihii loogama Maar maanka ahaa Safarkayga sida: Gaadhigii aanu wada nay oo aanu u dhamays tirnay dhamaan waxii uu nooga baahnaa oo ay ka mid yihiin Shidaalkii,Bankarkii iyo Hubinta Fayo-qabka Dhamaan qeybaha Kala Duwan ee Gaadhiga,si aanu ugu hortagno Ciladaha Iman kara inta Safarka aanu kusii jirno.wax walbana waxay noogu dhamaadeen si Guul ah,waxaanu Lugta saarnay Wadadii na gaynaysay Goobtii uu Qorshahagu ahaa inaad kusoo qaadano Qeyb ka mid ah Farxada iyo Fantasiyaha Maalinta Ku Lamaan.

Waxaanu soconaba waxaanu si nabad ah ku gaadhnay Goobtii aanu u dan lahayn.Gaadhigii ayaanu Parking dhiganay.waxaanuna u dhaqaaqnay Dhinacii Hotelka.Caadiyan Hotelka dhawr Al-baab baa laga gala,waxaananu ka galay kii aanu is-lahayn waa kii laydinku talo-galay.

Warba waa ka danbeeya,Markii mid naga mid ahi Gate-kii dhaafay,ee aan Anigu ku xigo ayaa wax I qabtay Laba Nin oo ka Mid Ahaa Raggii Hotelka Ilaalinayay,waan is taagay,waxaanan Weydiiyay Waxa dhacay,laakiin waxay ku adkaysteen inaan Anigu ka hadho Inamada Kaleh.

Dareen baa dhashay Inamadii Iga danbeeyay,ayaa markii ay nasoo gaaadheen la yidhi “Idinku socda”.bal adba!!!! Inamadii ayaa Raggii u sheegay in aanu Nahay Koox Wada Socda,waxaanay Weydiiyeen Sababta Keentay in Lana kala Dhantaalo,oo Badhna la reebo Badhna La siidaayo,iyada oo aan La Noo sheegin Sabab Cad.

Wax Muran badan iyo Doodi meeshii Mudo ka socotaba Mid Ka mid ah Ragii I Haystay ee Ilaalada ahaa ayaa mar kaliya ku Tiraabay “Idinku Gadh baad leedihiin,markaas Sidaas baanu idinku sii daynay.laakiin Ninkani Gadh Malaha,markaas waa la reebayaa isaga ee Markaad Hawshiina soo dhamaystaan Halkan ugu kaalaya”. Waxaan Weydiiyay Nimankii hadii wuu jiro Wax kale oo ka baxsan Sababta uu noo sheegay,laakiin waxuu mar kale igu yidhi “ Adigu Gadh Ma Lihide Joog”.Hadalkii ayaa Shakhsiyan u qaadan waa igu Noqday,laakiin ugu danbayntii waxaanu isla-Afgaranay in aan lana kala reebin oo aanu Hotelka Wada-galno.
………………….Dhamaad……………….
W/Q: Mohamed Hassan Daacad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here