Galeyr Oo Ku Dhowaaqay Dagaal Ka Dhan Ah Puntland, Farmaajana Ku Sheegay Shaqsi…

0
410

Maamulka Khaatuma ayaa maamulka Puntland uga digay in uu sii wado xiisada ka taagan Magaalada Buuhoodle ee gobolka Togdheer.

Ciidamada Hubeysan ee ku sugan Magaalada Buuhoodle ee dhawaan u diiday Cali Khaliif Galeyr in uu ka duulo garoonka diyaaradaha Buuhoodle ayuu sheegay in ay taageerayso Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Khaatuma ayaa sheegay in shacabka kunool degaanada Khaatuma ay kasoo horjeedaan maamulka Puntland , islamarkaana aysan ku raaci doonin Aftarsiimo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Puntland ayuu sheegay in meel ay uga soo jeedsan doonaan, oo uu kala jeedo iney la dagaallami doonaan maamulkaasi.

Sidoo kale waxaa Muuqata in Khaatuma ay u weecatay dhanka Somaliland , waxaana uu sidoo kale Tilmaamay in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Farmaajo uusan matalin dadka kunool degaanada maamulka Khaatuma.