GAMBIA: Madaxweynihii doorashada looga guuleystay oo aqbalay in uu xilka wareejiyo

0
319

Madaxweynaha cusub ee dalka Gambia, Adama Barrow ayaa sheegay in hogaamiyaha dalkaasi ka talinyay muddo badan, Yaxya Jammeh, uu aqbalay inuu xilka wareejiyo.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka ayuu warkan cusub ku caddeeyay.

Dhexdhexaadiyaal ka socdo galbeedka Afrika ayaa dhowr saacadood la qaatay Mr Jammeh si ay ugu qanciyaan inuu xilka banneeyo.

Ciidammada wadamada galbeedka Afrika ayaa hakiyey qorshohoodii militari inta laga soo gabagabeynayo kulankaasi.

Ciidammadaasi ayaa Khamiistii ka talaabay xuduudda Gambia, saacado yar uun ka dib markii la dhaariyey madaxweynaha cusub ee Gambia Adama Barrow.

Waxaa lagu dhaariyey gudaha safaaradda Gambia ay ku leedahay dalka Senegal.
Jammeh ayaa diiday in uu xilka baneeyo kaddib doorashadii bishii disembar la qabtay ee looga adkaaday.