Ganacsataddii Shiidaalka Oo Naqdiday Go’aankii Wakiiladdu ka gaadheen wareejinta haamaha

0
735

Somaliland: Ganacsatadda Shiidaalka Oo Naqdiday Go’aankii Wakiiladda.

Hargeysa (warsugannews)-Ganacsataddu Waxay Sheegeen Inay Xukuumadda la Galayaan Heshiis Lagu Hagaajinayo Haamaha Berbera Waxay Caddeeyeen Xadiga Lacageeed Ee Ay Ku Maal-gashanayaan, Waxaanay Ka Dayriyeen Xaaladda Haamuhu Ku Sugan YihiinGanacsatadda shiidaalka

Guddoomiyaha Shirkadaha shiidaalka soo waarida , Xasan Maxamed Cigge, ayaa sheegay haamaha shiidaalka ee Berbera uu haysto dayac aad u xumi isla markaana aanay sidan imika ay yihiin aanay ku aamini karin hantidooda.

Xasan Maxamed Cigge waxa uu sheegay inay Ganacsatadda shiidaalku ay madaxweynaha iyo xukuumadda ay ula tageen qorshe ay ku doonayaan inay ku casriyeeyaan haamaha oo uu tilmaamay in ay ka jirto xaalad wer-wer lihi, waxaanu beeniyay warka sheegay in haamaha shiidaalka Berbera ay ka soo baxdo sannadkii lacag dhan 24 milyan oo doolar, waxaanu arrintaasi ku tilmaamay mid qayrul macquul ah oo aanay waxba ka jirin.

vlcsnap-2015-08-30-23h23m08s6

Siday faafisay shabakadda Gudgudenews, oo aanu warkan ka soo xiganay Guddoomiyaha shirkadaha shiidaalku waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo ay caawa ku qabteen magaaladda Hargeysa, waxaanu tilmaamay inay dawladda u bandhigeen hindise ay ku casriyaynayaan haamaha shiidaalka isla markaana ku doonayaan inay geliyaan lacag dhan 18 milyan oo dollar.

Xasan Maxamed Cigge waxa uu dhaliilay Go’aankii Golaha Wakiiladdu ay ku laaleen in haamaha lagu wareejiyo ganacsato, waxaanu qaraarkii aqalka wakiiladda ku sifeeyay mid lagu deg-degay.
Waxa kale oo uu naqdiyay Maareeyaha haamaha shiidaalka oo uu xusay inuu isagu wado ololaha ka dhanka ah wax uu ugu yeedhay dib u habaynta xarunta haamaha, waxaanu ku dooday inaanay u joojin doonin go’aanka Baarlamaanka ee ay dawladda arrintaasi heshiis kala gelayaan oo aanay u joojin doonin.
Ganacsatadda-shiidaalka

Waxa kale oo iyaguna shirkaas ku wehelinayay dhammaan masuuliyiinta shirkadaha shiidaalka oo ay ka mid ahaayeen HASS, RED SEA, SOMPATROLIM Iyo CALI WARAABE PATROLIM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here